Big News: Ajay Devgn oo kula biiray Ram Charan iyo Jr NTR filimka weyn Director SS Rajamouli sameenayo

Koonfurta Hindiya ayaa markale ciwaanada fanka Hindiya oo dhan la wareegeen madaama subaxan si rasmi ah shaaca looga qaaday in Superstar Ajay Devgn ku biiray kooxda sameeneyso filimka weyn ee Ram Charan iyo Jr NTR hogaamiyaal ka yihiin sidoo kalena Director ka yahay SS Rajamouli.

Sanadkii hore Koonfur Hindiya waxay hadal heynta Bollywood-ka kala wareegeen in Superstar Akshay Kumar filimka 2.0 laadar ka noqday ee Superstar Rajinikanth shirkada Tamil ama Kollywood iska laheyd.

Haatana Telugu ama Tollywood ayaa ciwaanada Bollywood-ka kala wareegeen madaama Ajay Devgn aqbalay inuu door adag ku yeesho filimka Ram Charan iyo NTR hogaamiyaha ka yihiin sidoo kalena SS Rajamouli oo ku caan baxay Bahubali labadiisa qeybood Director ka yahay.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Filimkan haatan si ku meel gaar ah loogu yeero RRR waxay sheekadiisa ku saleesan taahy xiligii 20-aadkii ama 1920-aadkii labo halyee oo xurnimada Hindiya u dagaalami jireen waxaana labadan door jilayaan Ram Charan iyo NTR waana labo dagaal yahan oo naftooda u hurayaan sidii Hindiya xurnimo u heli laheyd xiligii gumeysiga Ingiriiska Hindiya ka talinaayay waana filim fariintiisa gobol ku ekeyn ee Hindiya dhan laga daawan doono.

Wax Walbo oo Filimka PRR Kasoo Kordho Filimside Kala Soco Madaama Wax Badan Laga Soo Bandhigaayo Maanta Mashruucaan Weyn…

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*