Big News: Alia Bhatt oo kusoo biirtay filimka weyn Ram Charan iyo NTR hogaamiyaal ka yihiin

Bollywood-ka maanta waa daawadayaal waxaana hadal heynta ka qaateen Koonfur Hindiya gaar ahaan shirka haatan ka socdo Hyderabad ee shaaca looga qaadayo wax walbo oo ku saabsan filimka weyn RRR magac ahaan si ku meel gaar ah loogu bixiyay hogaamiyaalna ka yihiin Ram Charan iyo Jr. NTR halka SS Rajamouli uu Director ka yahay.

Waxaan horey idin kula wadaagnay in mashruucaan weyn Ajay Devgn lagu soo daray oo uu door weyn ku leeyahay haatana xidigta Bollywood-ka xiligan ugu awooda badan Alia Bhatt aya kusoo biirtay filimka RRR taasi oo muujineyso in reer Telugu ama Tollywood fankooda awood ahaan halkii ugu sareesay taagan yahay.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Alia Bhatt waxay ka heshay doorka uu Director SS Rajamouli usoo bandhigay sidoo kalena bilooyinkii lasoo dhaafay wada hadalo ayaa u socday waxayna ku qanacday mashruucaan taariikhiga ah inay qayb ka noqoto madaama mudane Rajamouli uu yahay filim sameeye Hindiya oo dhan laga tixgaliyo asigoo Bahubali 1 iyo 2 Hindiya ku qabsaday.

Filimka RRR haatan hadal heyntiisa cirka ayay mareysaa marba haddii Ajay Devgn iyo Alia Bhatt lagu soo daray ayadoo horey labada Telugu ugu awooda badan Ram Charan iyo Jr NTR hogaamiyaal kaga ahaayeen.

Wax Walbo oo Filimka PRR Kasoo Kordho Filimside Kala Soco Madaama Wax Badan Laga Soo Bandhigaayo Maanta Mashruucaan Weyn…

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*