Big News: Filimka RRR oo shaaca laga qaaday xiliga la daawanayo Ram Charan, NTR, Ajay iyo Alia maxaan ka filan doonaa

Inaba caadi ma ahan Telugu ama Tollywood waxay qorsheenayaan filim lagu hilmaami doono Bahubali labadiisa qeybood marka aan hadda wax ku saleyno haddal heynta taagan iyo jilaayaasha awooda badan ee la isugu keenay mashruuca magaca RRR wato ee uu Director ka yahay SS Rajamouli.

Shirka jaraa’id ee ka socdo xarunta Telugu Hyderabad waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday filimka RRR la daawan doono 30 July 2020 waxaana si hordhac ah loo ogaaday in filimkan in ka badan 300 Crore ($42.25m) miisaaniyad ah xambaarsan yahay sidoo kalena luqadaha Telugu, Tamil, Hindi, Malayalam iyo kuwo kale lagu daawan doono.

Filimka RRR waxaa hogaamiyaal kowaad ka ah Ram Charan iyo Jr NTR oo labo dagaalyahan halgamaa ah xurnimada Hindiya u dagaalamayaan 1920-aadkii matalayaan sidoo kalena waxaa doorar adag oo saameyn xoogan xambaarsan ku leh Ajay Devgn iyo Alia Bhatt taasi oo ka dhigeyso mashruucaan mida ugu sanadka dambe Hindiya oo dhan laga wada sugaayo.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Sidoo kale filimka RRR waxaa doorar adag ku leh Daisy Edger Jones & P Samuthirakani waxaana la sheegay filimkan in si caalami ah loo sameyn doono inta badana gobolada Hindiya ugu caansan lagu duubi doono madaama xurnimo doonk Ram Charan iyo NTR matalayaan ka bilaaban doono kacdoonkooda magaalada Delhi ilaa Hindiya oo dhanna ku baaheyso sheeko ahaan qaabka ay rabaan gumeysiga Ingiriiska inay isaga dul qaadaan.

Director SS Rajamouli haddii Bahubali 1 & 2 uu Hindiya ku qabsaday waa qasab mashruuc Bahubali ka saameyn badan inuu la imaado haatana RRR ayaaba xili hore noqon rabo filim Hindiya oo dhan maankooda qabsado marba haddii Ram Charan, NTR, Ajay iyo Alia la isugu keenay sidoo kalena uu yahay filim fariin wadaninimo xambaarsan kana hadlaayo xiligii Ingiriiska Hindiya gumeesan jiray.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*