Birthday Girl: Alia Bhatt Iyo Xidigaha ay Bollywoodka Taageerto iyo maclumad kusaabsan atariishadan maanta u dabaal-dagayso dhalashadeeda 26aad!!

Alia Bhatt waa mid kamid ah dhalinta Bollywoodka katirsan kuwooda ugu guulaha badan ayaa maanta waxa ay u dabaal-dagaysaa dhalashadeeda 26aad maadaama ay dhalatay 15 bisha march sanadkii 1993 xidigtaan ayaa sameysay aflaam badan oo ay amaan lixaad leh kuheshay.

Balse qaab jiliinkeda wuxuu soo bilawday markii ay ayadoo yar aflaam kasoo muuqatay sida filmka Super Star Akshay Kumar hogaamiyaha ka yahay ee Sangrash kaaso ay Alia ku matashay Preity Zinta oo yar.

Hadaba dhankale ee xidigaha ay taagerto marka aan usoo noqono Alia xidigo dhowr ah ayee Bollywoodka ka taagerta oo ay qaab jiliinkooda ka heshay.

Actors: Atoorayaasha ay Alia Bhatt taagerto waxay kala yihin, Shah Rukh Khan, Govinda iyo Ranbir Kapoor.

Actresses: Atiriishoyinka ay Alia Bollywoodka ka taagerto waxay kala yihiin Kareena Kapoor Khan iyo Kangana Ranaut.

sido kale filmsameyaha caanka ahee Karan Johar na taagero ayee u tahay marka Directors-ka laga hadlaayo waana Directorka soo caan bixiyay xidigtaan…..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*