Birthday Girl: Ka Hor Ranbir Kapoor Baro Xariirada Jaceyl Oo Ay Sameesay Atariishada Alia Bhatt Iyo Xogaha Laga Qoray Atariishadan

alia bhatt waa mid ka mid ah atariishooyinka ugu awoodda iyo quruxda badan bollywoodka waxa ay maanta u dabaal-dagaysa dhalashadeeda iyadoo maanta jirsatay 26 sano waxaana cajiib ah in ranbir Kapoor uu ninka lixaad oo ay xariir la sameesay atariishadan

alia bhatt waana mid kaa yaabin doona alia sida ay Aflaam badan u sameesay ayay xariir badan u sameesay Iyadoo ah qof fur-furan sidoo kalena waxa ay mar walba ka qayb-gashaa xaflafaha kala duwan iyadoo aan maanta ku haayo lixda nin oo uu ku jiro ranbir oo alia bhatt xariir la sameesay

5. kavin mittal

kavin waxaa aabo u ah ganacsadaha weyn ee lagu magacaabo sunil mittal alia ayaa xilli hore ay Shukaansatay wiilkan xilli ay ku kulmayn seminar ka dib markii ay inyar isla socdayn ayay kala tagayn

4. Siddhart Malhotra

ninkaan waa shaqsiga sida weyn looga hadlo in alia bhatt kala dhaxeeyay xariir jaceyl ka dib filimkooda student of year waxaa labadooda ahaayeen kuwa si weyn laysugu xamanaayay ka dib waa ay kala tagayn taaso loo sababeenaayo in isku soo dhawaanshaha uu Siddhart Malhotra la sameeyay atariishada Jacqueline Fernandez

3. varun dhawan

waana mid kale oo ay xariir uu dhex-maray atariishadan ka dib markii hal mar wada bilaabayn waayahooda fanka iyagoo si wadajir ay isla sameeyeen dhawr aflaamood waa aktarka ay alia bhatt in badan la shaqeesay

laakiin markii dambe markii ay labadooda isfahmi waayeen ayuu varun dhawan jaceyl la wadaagay gabadha ilaa yaraantiisa ay is garabaayeen ee Natasha Dalal

2. Ali Dadarkar

ninkaan ma ahan mid caan ah oo la wada yaqaano laakiin waa nin taajir ah Isaga iyo alia bhatt waxa ay is garanaayeen ilaa iyo xilligii school ka iyagoo isku class ahaa waana alia bhatt ninka labaad ee ay xariir jaceyl la sameeso

1. ramesh dubey

kani waa ali bhatt jaceylkeeda ugu horeeyay sidoo kalena waxa ay isaga iyo alia bhatt ahaayeen isku class iyagoo waxbarashada iyo isbarashadooda ay kasoo wada bilaabayn fasalka kowaad waxa uuna socday ilaa ay ka gaarayn dugsiga sare waana kuwa mar walba isla socda laakiin wax sawir ah lagama hayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*