Bobby Deol ayaa markii ugu horeesay la shaqeenayo SRK shirkadiisa Red Chillies Entertainment

Atooraha caanka ah Bobby Deol sanadkii hore ayuu soo laabasho adag sameeyay kadib markii Race 3 uu Salman Khan la sameeyay laguna amaanay doorkiisa waxaana u xigay in filimka Yamla Pagla Deewane Phir Se oo ay aabihiis Dharam iyo walaalkiis Sunny isla jileen usoo baxay kadibna wuxuu saxiixay taxanaha caanka ah Housefull 4 asigoo saaxiibkiis Akshay shaashada kala soo muuqan doono lana daawanayo Diwali 2019.

Bobby Deol ayaa haatan talaabo kale qaaday wuxuuna ku biirayaa halka beryahan loo batay ee ah Digital World ama in la sameeyo aflaan taxane ah oo si Online ah Internet-ka looga daawanayo wuxuuna Bobby aqbalay in markii ugu horeesay uu la shaqeeyo shirkada Red Chillies Entertainment ee Shah Rukh Khan madaxda u yahay.

Mashruucan Bobby aqbalay sameyntiisa waa mid si Online ah Internet-ka ugu soo fasaxeyso shirkada Netflix oo aflaanta kala duwan laga daawado halka SRK uu maal galinaayo wuxuuna Bobby ku faraxsan yahay la shaqeynta SRK oo ay waligood saaxiibo ahaayeen.

Bobby ayaa xitaa la sheegay in heeskii Om Shanti Om caanka noqotay 2007 muuqaalka uu ku lahaa wax lacag ah ku qaadanin una sameeyay SRK dartiis haatana wuxuu diyaar u yahay King Khan shirkadiisa Red Chillies Entertainment inay kusoo dhaweyso meesha beryahan loo shaqo doontay Digital World oo inta badan jilaayaasha Bollywood-ka magac ka raadiyeen ee ah in tiyaatarka lagu tiirsanaanin oo xitaa Internet-ka shaqo laga helaayo madaama dadka xiligan casriga ah jecel yihiin aflaanta inay Laptop-kooda ama Mobile-kooda si Online ah kaga daawadaan.

Bobby Deol wuxuu heshiis la gaaray shirkada Red Chillies Entertainment inuu mashruucan taxanaha ah u sameeyo balse dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa jilaayasha kale ee kala soo muuqan doonaan iyo tafaasiil dheer ah oo ku saabsan taxanahan SRK maal galinaayo.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*