BOI India Star Rankings Dec 2018: Salman Khan oo kaalinta kowaad ku dhameestay awooda atoorayaasha Bollywood-ka 2018

Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa si rasmi ah usoo daabacday maqaalkeeda ayay kaga hadasho awooda atoorayaasha Bollywood-ka xiligan wax gadi karaan sida ay isku badashay (Box India Star Rankings).

Qiimeyntan ayaa lagu saleeyaa rubucle ama Quarterly sidoo kalena qiimeyntii ugu dambeesay awooda atoorayaasha Bollywood-ka waxaa lasoo daabacay August 2018 haatana qiimeynta sanadkan lagu qatimay waxaa lasoo daabacay December 2018.

Maqaalka BOI soo daabacday oo afkaaga hooyo shabakada Filimside kuugu turjuntay fadlan hoos kaga bogo kadibna aragtidaada nala wadaag:

Box Office India Star rankings ama qiimeynta awoodaha Boxoffice-ka dhanka atoorayaasha waxaa ku dhacay isbadal weyn tan iyo 2012 isbadalkan oo kale lama arkin waana xiligii Ranbir Kapoor sare u kac xoogan sameeyay oo bishii July 2018 kaalinta labaad awood ahaan soo gaaray.

Sidoo kalena bishan December isbadal xoogan ayaa dhacay qiimeynta ugu dambeesay dhanka awoodaha madaama Akshay Kumar oo booska afaraad usoo dalacay wuxuuna meesha kala baxay Shah Rukh Khan. Laakiin qiimeyntan waa filimka Zero inta uusan soo bixin ka hor madaama Zero dhamaadka bishan uu soo baxay waxaana loogu qiimeyn doonaa qiimeynta xigta dhanka awoodaha oo Febraayo ama Maarso lasoo daabici doono.

Aamir Khan ayaa kaalinta labaad dib ugu soo laabtay wuxuuna kala wareegay Ranbir Kapoor madaama filimkiisii Thugs Of Hindustan si waali ah oo iskoor ku dheehan ku furmay laakiin Aamir booskan masii ceshan karo madaama 2019 iyo 2020 aan la ogeyn inuu filim keeni doono!

Waa qasab qiimeynta xigta isbadal xoogan inuu ku dhici doono madaama filimada Simmba iyo Zero lagu dari doono kuwaas oo SRK iyo Ranveer saameyn ku kala yeelan doonaan awood ahaan haatan kaalimaha ay taagan yihiin qiimeynta ugu dambeyso 2018 dhanka awoodaha atoorayaasha.

Salman Khan kaalinta kowaad cidna makala wareegi karto madaama awoodiisa weli aad u sareyso marka ay noqoto fagta hore sida filimada loo gado sidaa darteed 2018 kaalinta kowaad ayuu ku dhameestay madaama Race 3 siweyn u gadmay sidoo kalena Tiger Zinda Hai oo dhamaadkii 2017 soo baxay qiimeyntiisa sida weyn uu u gadmay 2018 loogu daray.

Fahan Muhiim Ah Oo Ka Caawinayo Maqaalkan Inaad Lasii Jaan Qaadid Aqriskiisa:

Qiimeynan waxaa lagu saleeyaa lacagta filimada Boxoffice-ka kasoo xareeyaan (Boxoffice Numbers) ee laguma saleeyo Natiijada filimka gaaray (Boxoffice Results).

Waayo natiijada filimka gaari karo guul iyo guul daro sheekadiisa ayay ku xiran tahay balse lacagaha uu Boxoffice-ka kasoo xareen karo waxay ku xiran tahay awooda atooraha (Star Power-ka).

Sedexda Khans Ma U Dhamaatay Waa Dood Kale:

Saxaafada Hindiya ayaa siweyn u hadal heyso in Sedexda Khans (SRK, Salman & Aamir) awood ahaan u dhamaatay waayahooda fanka soo idlaan rabo madaama 2018 filimadooda guul dareesteen. Laakiin warkaas waa iska sheeko xaqiiqna ma ahan Khans weli awood lixaad leh ayay fanka ku leeyihiin hal sano aflaantooda guul dareesteen awoodooda meesha kagama bixi karto weliba filimadooda 2018 la imaadeen gaar ahaan Salman iyo Aamir fagta hore siweyn ayay u gadmeen ayadoo Star Power-kooda aan loo dhawaan karin.

Xaalada ay Khans ku sugan yihiin xoogaa waxay u egtahay xaaladii uu Amitabh Bachchan galay dhamaadkii 80-maadkii iyo bilawgii 90-maadkii madaama gabalkiisa sii dhici rabay haddana weli awood ayuu lahaa Amitabh oo u aflaanta fagta hore ku gadi jiray ilaa laga soo gaarayo 1992 markaas oo Amitabh awoodiisa meesha ka baxday marka uu soo laabtay 5-sano kadibna awooda Bollywood-ka gabi ahaanba dhan kale u weecatay.

Sedexda Khans waxay awoodooda ku lumin karaan inay sii joogteeyaan aflaan aan fagta hore gadmi karin ganacsi ahaana fashilmayaan sidoo kalena inay shaqadooda yareeyaan balse haatan midaas ma muuqato madaama ay sanad walbo sedexda Khans labo ka mid ah aflaan waa weyn la imaadaan.

Awooda Khans-ka haddaba waa la kala dhantaalay sida aan aragno balse loolanka dhabta ah atoorayaasha intood kale waa inay u galaan kaalinta kowaad hogaanka fanka inay Salman Khan kala wareegaan mana ahan arin hal sano ama labo sano lagu sameyn karo madaama Salman Khan atoore kasto oo awood leh dhibco waali ah farqi ahaan u dhaxeeyo.

Gunaanad:

Fadlan hoos kaga bogo Box Office India Star rankings ama qiimeynta awoodaha Boxoffice-ka dhanka atoorayaasha ugu dambeesay ee bisha December 2018 ku xeen daaban bilawgeedii:

1. Salman Khan: 2002 dhibcood (2380-dhibcood ayuu heestay qiimeyntii Aug 2018 soo baxday)

 

 

2. Aamir Khan: 1185 dhibcood (765-dhibcood ayuu heestay qiimeyntii Aug 2018 soo baxday)

 

 

3. Ranbir Kapoor: 844 dhibcood (832-dhibcood ayuu heestay qiimeyntii Aug 2018 soo baxday)

 

 

4. Akshay Kumar: 675 dhibcood (468-dhibcood ayuu heestay qiimeyntii Aug 2018 soo baxday)

 

 

5. Shahrukh Khan: 350 dhibcood (514-dhibcood ayuu heestay qiimeyntii Aug 2018 soo baxday)

 

 

6. Ajay Devgn: 330 dhibcood (282-dhibcood ayuu heestay qiimeyntii Aug 2018 soo baxday)

 

 

7. Ranveer Singh: 248 dhibcood (257-dhibcood ayuu heestay qiimeyntii Aug 2018 soo baxday)

 

 

8. Varun Dhawan: 217 dhibcood (395-dhibcood ayuu heestay qiimeyntii Aug 2018 soo baxday)

 

 

9. Tiger Shroff: 198 dhibcood (178-dhibcood ayuu heestay qiimeyntii Aug 2018 soo baxday)

 

 

10. Hrithik Roshan: -143 dhibcood (-205-dhibcood ayuu heestay qiimeyntii Aug 2018 soo baxday)

F.G: Hrithik Roshan Waa Atooraha Kaliya ee Star Power-kiisa Dhibco Ahaan Deen Lagu Leeyahay Haddii Dhibcaha Lagu Leeyahay -1000 Gaaraan Liiskan Wuu Ka Bixi Doonaa Star Power-kiisana Wuu Luminaa!

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.