bollywood aktar kaaso isku badalay faqiir isagoo hadda ka ilaaliye ka ah guri ku yaala mumbai

Magaalada Mumbai waa magaalo la micno ah Riyo iyadoo sanad walba soo caan bixiso aktaro badan kuwaaso kusoo biiraan bollywoodka laakiin in yar ka mid ah aktaradaas  ayaa ku guuleystayn halka dadka inta badan ay ku fahilmayn taaso ku xiran dadaalka aktarka iyo nasiibkiisa

waxaa hadda la helay arrin cajiib ah kaaso ay ku dhacday mid ka mid ah aktarada bollywoodka magaciisa waa savi sidhu kaaso lagu xasuusto aflaamta kala ah Gulaal, Patiala House, Bevakoofiyan  iyo kuwa kale oo badan

 

laakiin sivu sidhu hadda waxa uu 12 san ka shaqeeya guri weyn kaaso ku yaala magaalada mumbai isagoo ka ah ilaaliye ama security guard isagoo sheegay inuu musafilay ka dib markii ay ka geeriyootay xaaskiisa sidoo kale Sidhu ayaa sheegay inuu waayay qof walba oo uu isaga u dhawaa

Sidhu ayaa maalmahan dambe waxauu ka cabanaayay xanuuno kusoo noq-noqanaya sidoo kale waxa uu sheegay inuusan maalmahan daawan wax filim maadama uusan awoodin inuu iibsido hal Tikid