Nolosha Jilayaasha WARARKA MAANTA

Bollywood Flash Back: Dhacdooyin Hore Ee Bollywood-ka Soo Maray Waqtiyo Kala Duwan!!

 

Waxaan idiin heynaa dhacdooyin hore oo Bollywood-ka soo mareen kuwaas oo dhaceen sanado ka hor waxayna isugu jiraan nolosha jilaayaasha iyo shaqooyinka aflaanta:

Bollywood in 2003 (June 8 – 14):

Karishma Kapoor Oo Ku Dhacay Xanuunka Loo Yaqaan Qaamo Qanshiir (mumps): quruxleyga Bollywood-ka qaamo qashiir ayaa ku dhacay micnaha quumanka ayaa barareen kadib markii infection kaga dhacay waxaana loo qoray inay shaqada ka nasato.

Karishma mudo 14-cisho ah guriga kama soo bixin waxaana waqtigaas la joogtay oo aan marnaba ka tagin hooyadeed Babita, waxaana dhacday in Karishma iyo hooyo Babita inaysan daawanin filimkii Main Prem Ki Diwani Hoon ee Kareena Kapoor sameesay.

Ramya Krishnan Oo Guursatay: Atirishada Ramya Krishnan ayaa guursatay 11-kii June 2003 filim sameeyaha lagu magacaabo Krishna Vamsi, waxaana arooskooda kasoo qayb galeen marti kooban.

Aqriste Ramya Krishnan hadii aan fahmin waa atirishada filimka Baahubali 1 iyo 2 ku jileyso hooyada dhashay Prabhas iyo Rana Dagubbati ama boqorada ah.

Sushmita Sen Oo Dareen Hooyonimo Muujisay: Sushmita Sen ayaa amar la’aan kasoo tagtay duubista filimka Beewafa ee dalka Canada ka socotay, kadib markii loo sheegay in gabadha yar oo soo korsatay xanuunsan tahay isbitaal Mumbai ku yaalana la geeyay.

Inkastoo Sushmita aysan dhalin gabadha hada siweyn ayay ugu danqatay ayadoo fasax la’aantii duubistii filimka Bewaafa kasoo tagtay tikit-na soo goosatay weliba ficilkaas qarash gareeye Boney Kapoor siweyn ayuu uga carooday.

La Soco Bollywood Flash Back Oo Aan Dhacdooyin Kale Oo Xili Hore Dhaceen Kusoo Qaadan Doono  Qaasatan Bishaan June Dhacdooyinkii Dhaceen Insha Allah……

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…

Related posts

Rasmi: Super Star Vikram Wiilkiisa Dhruv Oo Shaaca Laga Qaaday Filimka Uu Kusoo Caan Baxi Doono

Jabriil Abdikadir

10-ka Xidig Bollywoodka Ugu Aqoonta Badan Waxbarashadana Heer Ka Gaareen Qeybtii 2aad (+Sawiro)

Ali Aadan

Amithab Bachchan, Hrithik Roshan , Varun Dhawan , oo hambalyo hawada u mariyeen kooxda dalka india ee Kings kuwaaso ku guuleystayn koobka dance-ga adduunka ( World of Dance)

Jabriil Abdikadir

10-ka Xidig Bollywoodka Ugu Aqoonta Badan Waxbarashadana Heer Ka Gaareen (+Sawiro)

Ali Aadan

10-Oraah Ugu Shactirada Badan Aawbaska Ama Lacagey Lacag (Anupam Kher)

Ali Aadan

Ranver Singh Oo Shaaca Ka Qaaday Halka Sheey Ay Ka Siman-yihiin Deepika Padukone Iyo Alia Bhatt!!

Ali Aadan