Bollywood-ka markaan waxay soo wadaan filim looga hadlaayo burca badeeda Soomaaliya

Filim soo saaraha caanka ah Siddharth Roy Kapur oo ay u dhaxdo atirishada Vidya Balan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu maal galinaayo filim looga hadlaayo burcad badeeda Soomaaliyaa iyo dhibaatadii ay hada ka hor markab Hindiya laga leeyahay u geesteen.

Siddharth Roy Kapur ayaa sheegay in mashruucaan uu Director ka noqon doono Vinil Mathew oo horey u sameeyay filimka Hasee Toh Phasee.

Sidoo kalena sheekada filimkaan hadal heyntiisa socoto waxaa qoray Sudip Sharma oo horey loo amaanay sheekooyinkii uu qoray filimada NH10 iyo Udta Punjab.

Siddharth Roy Kapur wuxuu yiri “Haa waxaan sameyna filim looga hadlaayo burcad badeeda Soomaaliya ka jiri jirtay si gaar ah xiligii xeebaha Soomaaliya lagu dhibaateeyay kabtan Audumbar Bhoi iyo shaqaalihii oo afduub loo geestay”

“Waxaan la kulmay Audumbar Bhoi oo iiga sheekeeyay dhibaatadii xanuunka badneyd uu soo arkay waana geesi mudan in waaya aragnimadiisa la gaarsiiyo dadka oo dhan”

Filimkaan oo la sheegayn in qarashaad badan sameyntiisa ku bixi doonto waxaa duubis lagu bilaabi doonaa sanadka dambe 2018 kala barkiisa marka la gaaro welina shaaca lagama qaadin jilaayaasha sameyn doonaan.

5 Comments

  1. Marka horebwaa idin salamay dhaman akhyarta Akhyarta kashaqeysa flimside.net Runtii Zakariye Abdi ma ahane inta kale dadka maxad ugu jawabi la adihin Mida labad qofka su aasha waa loga jawaba Intaa sua aalo ayan idin weydin noomana jawabtan Sidee wax ujiran wx nafahansiya

    • Walaalkeen raali noqo cilada waa xageena, barnaamijka weydiin iyo warcelin ayaan dib usoo celineynaa laga bilaabo Axada insha Allah.

  2. asc, filimka ayaamahan tiyaatarada ee looga hadlayo burcad badeeda somalia sidee buu boxoffice ku noqday waxaana la yirahdaa pirates of somalia

Comments are closed.