Bollywoodka Oo U Baahan Inuu Dib U Laabto Si Uu Helo Waayo Qurux Badan

bollywoodka waa mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn ee caalamka dhanka aflaamta waana mid lagu tixgeliya laakiin sanadahan dambe waxaa meesha ka baxday xiisihii iyo kalsoonidii lagu qabay aflaamtood waxaana si siyaaday guul-daradooda madaama ay sanad walba la yimaadaan aflaamo tayo liidato waxaana culeyska bollywoodka kusii badinaya dhanka iyo koonfurta kuwaaso mar walba la imaanayaan filim dhan walba ka dhamaystiran

haddaba maxaa looga baahan bollywoodka si ay dib ugu soo ceshato

marka kowaad waa inay dib isku saxaan madaama dhamaan aflaamtooda ay xiiso dhacayn taaso aan ula jeedno bal dib u xasuuso bilowga qarnigan aflaamta ay bollywoodka sameenayaan waa aflaamo tayo badan lehna sheeko isku dheeli tiran

waxaad arkaysaa filim sheekadiisa macaan tahay haddana flop noqonaayo sida aflaanta mann dil he tumahara kahin pyaar na ho jaaye iyo aflaamo kale oo badan kuwaaso aan u qalmin inay guul-daraystayn oo hadda yaa imini kara in filimka krodh oo soomaalida u taqaano balwaan iyo 5 gabdhood ee walaalaha inuu flop noqday

waxaana macquul ah hadii aflaamtaas xiligan tiyaatarada la saari lahaa inay Blockbustero noqon lahaayeen mida kale hadda ma arkaysid filim bollywood ah in loo xusho inuu u tartamo abaal-marinta oscar

sidoo kale waxaa si weyn u muuqata in bollywoodka sii daciifayo madaama aflaamtooda ay dib u samayn jirayn shirkadaha koonfurta laakiin Markan iyaga ayaa aflaam kasoo qaadanyaan dhanka iyo koonfurta

kibirka ku jira jiilka xiligan fanka bollywoodka ka tirsan 

hadda ma jirto aktaro qaadi karaan masuuliyada bollywoodka waana caqabad ugu weyn madaama aktarada kala ah amithab bachachan sadexda khans akshay kumar ajay devgan iyo aktaro kale oo badan inay fanka bollywoodka ay soo difaacayeen in badan 40 sanadood mana muuqdaan aktaro sidaas ah

 

maxaa u diiday in aktarada jiilkan inay filimada ku midoobaan kuna daydaan sida aktarada iyaga ka horeeyay waxaad arkaysaa filim ay ku midoobayn ajay devgan akshay kumar iyo amithab bachachan ama shah rukh khan amithab bachachan iyo hrithik roshan

taaso ah mid ay jecel yihiin daawadyaasha waana mid hadda ay dabeecad ka dhigtayn dhanka iyo shirkadaha kala duwan ee koonfurta

dhanka kale waxaa la yaab ah inay aktarada xiligan ku adag tahay inay la qabsadaan bollywoodka iyadoo xiligii 90s iyo bilowga qarnigan aan baranay aktaro xiligaas ku cusbaa fanka oo hadda ak kuwa awood leh sida hrithik roshan saif ali khan shahid kapoor iyo aktaro kale oo badan kuwaaso mid walba oo soo qaatay waayo qurux badan oo kala duwan laakiin xiligan waxaa jiraa 1000 aktaro oo bollywoodka kusoo biiraan laakiin aan ka dhex-muuqan

macquul maaha in aktaro aan fanka awood ku lahayn micnaha aan lagu tirin aktarada ugu awoodda badan xiligooda inay samayn jirayn aflaamo tayo leh sida aktarada kala bobby deol iyo chandrachur singh

halkee ka baxayn doorarkii madadaalada  u ahaa aflaamta

waxaa xiligan isbadal weyn ku yimid aflaamta bollywoodka iyo doorarka aktarada iyadoo ay noqotay in hadda aflaamta sheekadooda ay tahay mid ka kaliya ka hadalysaa shaqsiyaad qaas ah

taasi oo meesha ka bixiyay doorar fara badan oo lagu arki jiray aflaamtii 80s, 90s iyo sida doorarka laadar-nimada iyo shactirada waxaa soo baxay aktaro cusub kuwaaso noqdayn in doorka filimka hogaamiyaha ka yihiin inay mar jaceyl sameeyaan marna shactireeyaan

 

waxaana meesha ka baxday cabsi gelintii amrish puri  hadaladii kululaa ee nana patekar shactiradii johnny lever (amadi) , jeestadii govinda iyo qiiro-gelintii shah rukh khan kaliya  intaas kuma eka waxaa jira waxyaabo fara badan oo halkaas aan lagu soo koobi karin

hadda bollywoodka waxaa haya wadadii uu ku bur-buri lahaa madaama uu lumiyan kalsoonida dadkii daacada u ahaa laakiin waxan u rajeenaynaa inay dib boorka isaga jafaan soo laba kacleeyaan madaama ay hormuud u yihiin fanka qaarada asia

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*