Boney Kapoor “Waxaa Lagu Duubi Doona Roma, Jakarta Iyo Melbourne Si Aan Ugu Dhabeeyno filimka Ajay kaaso looga hadlaayo nolosha Syed Abdul Rahim”

 

Aktarka Ajay Devgan Ayaa dhawaan waxa uu saxiixday filimka looga hadlaayo nolosha ninka lagu magacaabo Syed Abdul Rahim macalinkii kubbada cagta ee dalka india inta u dhaxeesay 1950 ilaa iyo 1963

inkastoo Ajay Devgan uu ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa weyn ee Tanaaji : the unsung warrior kaaso la daawan doona sanadkan ayaa waxa arrin filimkan ku saabsan waxa laga weydiiyay director filimkan ninka lagu magacaabo Amit Sharma kaaso hore u sameeyay filimkii Badhaai Hoi

Amit Sharma ayaa sheegay in filimkan lagu duubi doono magaalooyinka kala ah Delhi , Lucknow, Kolkata iyo mumbai jadwalkaaso socon doono muddo afar bilood ah

iyadoo dhawaan soo saaraha filimkan Boney Kapoor uu la hadlay Majalada Mumbai Mirror isagoo sheegay “filimkan waxaa lagu duubi doona gudaha india dalka india weliba afar magaalo oo ka mid ah sidoo kalena

waxan qosheenayna in duubista filimkan lasoo gaba-gabayn doono bisha October si loo daawado sanadka dambe waxaan qorshaha ka marnayn inan aadi doono dalalka kala ah dalalka kala ah Indonesia, Australia Iyo Italy si aan kaga run sheegno Taariikhda Syed Abdul Rahim”

Syed Abdul Rahim inta uu ahaa macalinka kubada cagta ee dalka india waxa uu u suurta-geliyay inay dalka india gaaraan guulo waa weyn sida isagoo u qaaday bilada dahabka bandhigii dhacdadii Asian Games kaaso ka  dhacay Jakarta sanadkii 1962

sidoo kale waxa uu dalka india geeyay semi- final bandhigii Olympic ee lagu qabtay Dalka Australia sanadkii 1956 sidoo kale Syed waxa uu dalka india uu ku hogaamiye guulo fara badan kuwaaso uu kasoo hoyoy dhacdooyin badan oo ka dhacay dalal kala duwan