Boqorka Bollywoodka Shah Rukh Khan Iyo 10-kiisa Film Ee Ugu Sheekada Wanaagsan Wax Ka Ogow!!

Bollywood King khan Aka Shah Rukh Khan waa mid kamid Super Stars ugu waaweyn Hindiya waana jilaa dunida oo dhan caan ka ah ayadoo taagerayaal fara badan uu ku leeyahay daafaha caalamka.

Khan waxuu sameyay aflaam dhaxal gal ah oo ilaa maantadan la wada jecelyahay maadama uu dadka ku kasbaday aflaamtisa fariin ahaan ka hadlayaan bulsha weynta, arimaha bulshada, jaceylka iyo waxyaabo lamid ah.

Hadaba waxaan idiin heynaa 10ka film ee SRK ugu sheekada wanaagsan ayadoo kuwa filmada ka faalodan xidigaha ugu badan siiyen.

Qiimeynta IMBD darajo wanagsan aye ka gaaren aflaamta SRK, fadlna halkaan hoose kaga bogo 10ka film ee sheeko ahaan ugu wanaagsan Shah Rukh Khan filmadiisa.

Swades:  8.3/10

Chak De! India: 8.3/10

Dil Wale Dulhani Le Jaayenge: 8.2/10

My Name Is Khan: 8.0/10

Kal Ho Na Ho: 8.0/10

Veer-Zaara: 7.9/10

Darr: 7.9/10

Baazigar: 7.8/10

Kuch Kuch Hota Hai: 7.7/10

Dil Se: 7.7/10