Boxx Office: Miyuu Tanhaji Awooda Inuu Noqdo Blockbustekii Sadexaad Ee Isku Xigta Ay Sameeyaan Bollywood-Ka Ka Dib Padmaavat Iyo Uri : the surgical attack

Subaxan Bollywood-ka waxaa siweyn loo hadal hayaa afar filim waa weyn oo shaaca laga qaaday xiliyada la daawan doono si rasmi ah waxaana xusid mudan labo filim oo ka mid ah in Superstar Ajay Devgn hogaamiye ka yahay wuxuuna halyeegaan ku jiraa xili dahabi ah ayadoo dhawaan sanadkan Big Hit u noqday filimka Total Dhamaal.

Ajay Devgn filimkiisa dagaal yahanka uu ku jilaayo ee taariikhiga ah Tanhaji: The Unsung Warrior ayaa dib loo dhigay xiliga la daawan lahaa horey qorshaha wuxuu u ahaa in la daawado 22 Nov 2019 balse haatan waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay mashruucaan Kajol iyo Saif Ali Khan doorar muhiim ah ku leeyihiin in la daawan doono 10 Jan 2020.

haddaba ka dib markii la xaqiijiyay in filimkan Tanhaji la daaqan doono 10 janaayo sanadka dambe iyadoo bollywoodka 2 sano ee lasoo gudbay ay ku bilaabanaayeen aflaamo blockbustero ah sida Padmaavat (2018) iyo Uri: the surgical attack (2019)

Padmaavat ayaa waxa uu boxx office india kasoo xareeyay 282 Crore isagoo maalintiisa kowaad keenay 18.21 crore halka filimka Uri : the surgical attack isagana maalintiisa kowaad keenay 8.25 halka hadda cimri ahaantiisa uu maraayo 239.50 Crore

hadda waxaa soo baxay in  lays weydiiyo inuu filimka Tanhaji awooddo inuu sii wado wadadii blockbusterada ka dib Padmaavat Iyo Uri kuwaaso gaarayn darajada blockbuster laakiin filimkan Tanhaji waxaa laga filayaa inuu cagta marin doono iskoorada ay sameeyeen labadan filim

maadama uu yahay mashruuc taariikhi kaaso le gelin doona lacago fara badan sidoo kale waxa hogaamiye ka yahay aktaro caan ah sida Ajay Devgan , Kajol iyo Saif Ali Khan waana Ajay Devgan filimkiisa 100aad