Breaking News: Shraddha Kapoor Oo Goordhow Guursan Doonto Wiilkii Ay Mudada Wada Socdeen!!

 

Atiriishada caanka ah Shraddha Kapoor waxaa in badan lagu xamanaayey wiil ay saaxiib la tahay kaaso lagu magacaabo Rohan Shrestha oo ah sawir qaade caan ah dalka India-na u dhashtay.

32 jirtaan ayaa la sheegay inee guursan doonto ninkaan 34 jirka ah mudada dheerna xiriir wada lahaayeen warar hoose ayaa sheegen in ay sanadkaan gudihiisa aqal gali doonaan waliba aroos qaas ah dhigan doonaan oo aan Bollywood iyo saxaafad lagu casuumin.

Waliba bisha June kahor inuu arooskeda dhacaayo ayaa loo badinayaa maadama xidigtaan atiriishooyinkii ay isku da’aada ahaayen badankooda wada guursadeen sida Deepika Padukone, Anushka Sharma, Sonam Kapoor iyo kuwa kale.

Waxaan sugnaaba waa inta sheekadan laga shaacin doono markale Bollywoodka waxaa usoo dhow aroos horleh anagoo ogeyn sanadkii hore 2018 dhowrka aroos dhaceen iyo hadal heyntii ay abuureen.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…