Britain oo sameyn doonta gaari koronto ku shaqeeya, qiimaha ku baxay iyo xilliga la iibin doono!

Shirkadda DYSON ee dalka Britain ayaa waxay xaqiijisay inay qorsheyneyso inay sameyso gawaari koronto ku shaqeeya  (Electric cars) waxaana iibkooda la bilaabi doonaa sannadka 2020ka.

Shirkadda tiknoolajiyadda DYSON ayaa waxay daaha ka qaaday in mashruucaan ay ku bixiyeen 2 bilyan oo ginni, si loo helo gawaari koronto ku shaqeysa.

Mid ka mid ah naqshadihii ugu horreeyey ayaana lasoo bandhigay, iyadoo in ka badan 400 oo shaqaale ah ay haatan ku howlan yihiin mashruucaan.

Aasaasaha shirkadda Sir James Dyson ayaa wuxuu daaha ka qaaday in shirkaddiisu ay bilaabi doonto iibka gawaaridaan sannadka 2020ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*