Cajiib: Kaarto Kale Xiise Leh Oo Laga Soo Bandhigay Filimka Bharat Sidoo Kalena U Gaar Ah Aktarka Salman Khan Laakiin Muuqaalkan Hore Ayaa Lagu Arkay Salman Khan

iyadoo maalintii shalay ah si rasmi ah loo soo bandhigay aragtida kowaad (First Look Poster) ee filimka weyn Bharat hogaamiye ka yahay Mega Star Salman Khan lana daawan doono Eid 2020 halka Ali Abbas Zafar uu Director ka yahay waxaana maal galinaayo Atul Agnihotri oo ah Salman seedigiis.

kaaso Salman Khan  muuqaal ahaan da’ ka muuqato uu yahay qof da’ wey  sidoo ku hoos duugan micno badan oo ah inuu asigoo wiil yar ah bilaabay raadinta aabihiis oo Jackie Shroff ku matalaayo waxayna dib u midoobayaan asigoo Sallu duqoobay waxayna qoyskan kala lumayaan xiligii Hindiya iyo Pakistan la kala qeybinaayay dabyaaqadii 40-maadkii.

haddaba maanta waxaa lasoo bandhigay sawir kale oo u gaara ah aktarkan laakiin markan Salman Khan waxaa laga soo bandhigay sawir uu dhalin-yaro yahay sidoo kalena xarago u dheer tahay

taaso la micno in Salman Khan filimkan ku jili doono dhawr waji oo kala duwan kuwaaso mid walba laga sheekaanaayo

sidoo kale markii lasoo bandhigay sawirkan waxaa soo baxday is bar-bar dhig lagu sameeyay muuqaalkan iyo muuqaalka Salman Khan uu ku jilay filimka Jeen-e-man kaaso la daawaday sanadkii 2006 waxaana Salman Khan filimkan la wadayn Akshay Kumar Iyo Preity Zinta

Filimka Bharat waxaa goos gooskiisa dhameestiran lasoo bandhigi doonaa 24-ka bishan April sidoo kalena waxaa tiyaatarada la saari doonaa 5 June 2019 waxaana filimkan lagu duubay meelo kala duwan sida Malta, Mumbai, Dubai, Kashmir, Waqooyiga Hindiya iyo goobo kale.

Katrina Kaif ayaa atirisho kowaad ka ah filimka Bharat halka Jackie Shroff, Tabu, Disha Patani, Sunil Grover iyo Noora Fateh muuqaal ahaana inta badan jilaayaashan kuma matalayaan wajiga lagu yaqaanay madaama noloshooda ku xeen daaban tahay sida ay Salman ula kulmayaan 18-jirkiisa ilaa 70-jirkiisa safarka noloshiisa.

Waxaan sugnaaba maal maha nagu soo fool leh aragiyada kowaad dhamaan jilaayaasha kale filimka Bharat ka hor inta aan goos gooskiisa lasoo bandhigin 24-ka bishan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*