Captain Marvel Oo Ganacsi Heer Sare Ah Sameeyay Iyo Badla Oo Ganacsi Dhex Dhexaad La Yimid!!

Filmka Hollywoodka ah ee Captain Marvel ayaa todobaadkiisa kowaad sedexda maalmod ugu horeysay ganacsi heer sarre ah sameyay waxuuna si dhaqsi ah kaga talaabsaday 40 Crore ganacsi wacan ayuuna India ka sameeynayaa.

Waxuu noqon doonaa filmka labaad ama sedexaad ee Hollywood ah kaasi oo sedexda maalmod ugu horeysay gudaha India lacagaha ugu badan kasoo xareeyo waxaana sidan oo kale sameeyay The Jungle Book balse Infinity War ayaa in badan ka sareeyo kaaso 95 Crore gaaray sedexdiisa maalmood ugu horeysay.

Mashruucan todobaadkiisa kowaad ganacsiga uu ku sameeyo ayaaba kufilan inuu gaaro darajada HIT dhameestiran dad weynaha reer hindiya si waali ah ayeeba u daawanaayan .

Dhanka kale Amitabh Bachchan filmkiisa Bollywoodka ah Badla ayaa ganacsi hoose iska sameeyay todobadkiisa kowaad sedexda maalmod ugu horeysay isagoo keenay 22.75 Crore waana ganacsi hoose marka lala bar bardhigo filmka Hollywoodka ganacsiga uu sameeyay balse Bollywood ahaan marka loo qiimeyo Badl waa ganacsi iska roon.

Badla waxaa laga rabaa maalmaha xigaan inuu la tartamo mashruucan Hollywoodka ah inkastoo sabti iyo axad sare ukaciisa ugu wanaagsan uu sameeyay hadana axadii dadka badankooda ciyaart Cricket-ka ayee daawanayeen.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Click Kusiiso Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Click Kusii Mahadsanid…