Home » Nolosha Jilaayaasha » Ceeb Badana: Director Luv Ranjan Oo Atirisho Ku Eedeysay Inuu Anshax Xumo Kula Kacay!!

Ceeb Badana: Director Luv Ranjan Oo Atirisho Ku Eedeysay Inuu Anshax Xumo Kula Kacay!!

India waxaa si rasmi ah looga hirgaliyay maalmihii udambeyay barnaamijka Me Too Movement oo ah barnaamij loogu ololeenayo in wax looga qabto dadka fanka katirsan ee anshax xumada iyo faraxumeenta kukacaan.

Markii hore Hollywoodka ayuu kajiray balse hader Bollywoodka ayaa laga sameeyay barnaamijkaan dad ayaana isku xilqaameen sameentisa hadaba dadkii Bollywoodka kasoo shaqeyeen ee mudada dheer dhibanaha ahaayen ayaa afka furteen si dhibkooda kaga hadlaan barnaamijkaan la sameeyay aawged.

Iska hilmaama Nana Patekar, Alok Nath iyo Sajid Khan markaan waa Director Luv Ranjan waa Director-kii sameeeyay filmka Pyaar Ka Punchnama sido kalena hader film u sameen rabo xidigaha Ranbiir Kapoor iyo Ajay Devgan.

Atirisho aan magaceeda sheegin balse barnaamijka Me Too u bandhigtay una sheegtay dhibkeeda ayaa sheegtay in Director-kan ku xad gudbay intii la duubayey mashruuca Pyaar Ka Punchnam waxayna tiri sida tan.

“Waxaan kamid ahaa atirishooyinka filmkaas Luv Ranjan ayaa saqajanimo ila soo galay markii hore si wanaagsan ayuu shaqada iigusoo dhaweyay balse markii howsha la bilaaway ayaan anshax xumo ka dareemay.”

“Waxuu iisheegay inaan dharka dhigo qaasatan dharkeyga hoose sida kastuumaha mana aqan anshax xumo midaas ka weyn in gabar dharkeeda hoos gashiga la dhahayao iska dhig qawaaf ayaan ka qaaday maalintas waana ka tagay goobta.”

“Kooxda mashruuca ayaa isoo waceen iguna dhaheen tababr filmka ayaa bilawday imaaw micnaha muuqalada la duubayo ayaa tijaabo la iska qaada markii aan imid dhamaan kooxda filmka waxay tijaabo ku sameenayeen howl weyn.”

“Luv aniga kaliya ayuu qol gooni ah iigu wacay waxuuna I weydiyay suaalo aan hader halkaan ku sheegi Karin balse waxaa kamid ahed suaalahas anshax xumada ah in aan bikro ahay ayuu I weydiyay iyo kuwa kale oo aan afka soo marin Karin markaas ayaana go’aansaday inaan ka baxo filmkaan gabi ahaantisaba.”

Luv Ranjan dhankiisa eedemahan wuu iska fogeeyay sido kalena shaqaalihiisa waxay sheegen in sharci ahaan suaalahas oo kale uu atirisho walba weydiyo kahor inta aysan duubin filmkiisa waana mid caadadiisa ah oo xumaan kama ahan ayee sheegen shaqaalihiisa gaarka ah.

Sikastee ahaabtaba Director Luv Ranjan karbaashka waa kudhacay hader waxaa qal qal kujiro in gabi ahaanba la joojiyo filmkii Ranbir Kapoor iyo Ajay Devgan uu usameen lahaa kaaso goor dhow howshisa bilaawan lahed.