Chris Jerichu oo ka hadlay xaalada caafimaad ee Roman Reigns iyo hadii CM punk kula soo biiri doono AEW.

 

Chris Jerichu oo sidoo kalana loo yaqaano magaca Y2J ayaa wareysi uu siiyay mid kamid ah TV yada wadankaas kaga hadlay arimo badan.

Waraysiga Chris Jerichu ayaa wuxuu salka ku haayay kadib markii lagu dhawaaqay inuu heshiis lagaaray midow AEW ee cusub.

Y2J ayaa ka hadlay sababaha ku kalifay inuu AEW heshiis dheer la galo, sidoo kalana wuxuu ka hadlay wuxuu ka ogayahay xaalada saaxiibadiisa Roman Reigns iyo CM Punk,

Asigoo ugu horeyn ka hadlaayay xaalada caafimaad ee saaxiibkiisa Roman Reigns ayuu yiri “wuxuu wali ku gudo jiraa marxaladii daaweynta, xaaladiisa nafsadeedna waa mid heer sare wuxuuna dareemayaa firfircoomi”

Kadib wuxuu ka hadlay xiliga uu Roman Reigns kusoo laaban doono riingaha wuxuuna yiri “kusoo laabashadiisa riingaha kaliya waa mas’alad waqti ah iyo siduu usoo kabsado”

Kadib Chris Jerichu ayaa ka hadlay wuxuu ka qabo in uu midowgaas kula soo biro xidiga weyn iyo horyaalkii hore ee WWE CM Punk wuxuuna sheegay inuusan midaas fileynin waqti xaadirkaan.

Asigoo arinkaas ka hadlaayay ayaa wuxuu yiri “uma maleynaayo iney midaasi dhici karto maadaama uu horay u sheegay inuu iska casilay bandhigyada musaaracada”

Hase yeeshee Y2J ayaa sheegay inuu rajeynaayo inuu soo laabto isla markaasna uu jecelyahay inuu Punk ku arko riingaha AEW.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*