Cidna ma aqbaleyso in filimka Kalank 10% qiimahiisa tikit-ka uu dheeraado filimkii weynaa Thugs Of Hindustan!

Filim sameeye Karan Johar shirkadiisa Dharma Productions waxay diyaar u tahay Arbacadan tiyaatarada Hindiya inay ku qabsato filimka weyn Kalank oo ay hogaamiyaal ka yihiin Sanjay Dutt, Madhuri Dixit, Varun Dhawan, Alia Bhatt, Sonakshi Sinha iyo Aditya Roy Kapur waana filim hadal heyntiisa aad u sareyso.

Balse Karan Johar cirweynin ayaa qaaday kadib markii uu sare u qaaday qiimaha tikit-ka filimka Kalank lagu iibsanayo waxaana arintaan siweyn kaga hor imaadeen kooxaha tiyaatarada iska leh oo aqbali waayeen in Kalank uu qiimahiisa tikit-ka 10% dheeraado filimkii weynaa Thugs Of Hindustan oo ay Amitabh iyo Aamir Khan hogaamiye ka ahaayeen lana daawaday feestadii Diwali 2018.

Filimka Kalank waxaa Arbacadan loo saarayaa in laga faa’iideesto feestada Mahavir Jayanti iyo Jimcadan oo ku beegan maalinta loo yaqaan Good Friday oo ah maalin fasax jiro una dheer yahay Sabti iyo Axad oo hawlaha laga nasanaayo sidaa darteed Karan Johar iyo shirkada kale Fox Star Studios ee filimkan wax ka maal galineyso waxaa galay damac ah maal mahan fasaxa filimkaaga lacag adag halagu daawado laakiin dood xoogan ayuu dhexda ka galay.

Filimka Kalank qiimaha loogu tala galay in lagu daawado ayaa ahaa 110 ilaa 140 Rupees ($1.5 ilaa $2) tiyaatarada Single Screens halka tiyaatarada Multiplex loogu tala galay in lagu daawado ($5 ilaa $8) balse haatan qorshaha wey badaleen Karan Johar iyo kooxdiisa waxayna rabaan in filimka Kalank 5-tiisa maalmood ugu horeyso $10 ilaa $15 in lagu daawado!

Taasi waxay dhalisay dood xoogan ayagoo weliba rabaan in lacagtaan aan qiimaheeda hoos loo dhigan 5-maalmood ugu horeyso sidoo kalena qiimo dhimis xitaa loo sameynin qoysaska waana arin ay ka caroodeen kooxaha tiyaatarada iska leh oo kulan deg deg ah ka dalbadeen Karan Johar sidoo kalena rabaan in qiimaha tikit-ka filimka Kalank mid caadi ah laga dhigo si dad badan u daawadaan madaama uu yahay filim weyn oo la wada sugaayay.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*