Classic Movies: Imisa todobaad ayuu tiyaatarada saarnaa filimka 3 IDIOTS

Kusoo dhawaada maqaalkeena aan kaga hadleenay codsiga aqristayaasha ee ku aadan filimada Classic ah ee mudada dheer tiyaatarada saarnaa inaan xog dhameestiran ka siino.

Haddaba maanta waxaa miiska inoo saaran filimka fahanka nolosha ka qayb qaadanayo aadna loo jecel yahay ee Classic ah 3 IDIOTS waxaana naga soo codsaday aqriste abdihkim.

3 IDIOTS waxaa wada jileen  Aamir Khan, R. Madhavan, Sharman Josh, Kareena Kapoor, Boman Irani iyo Omi Vaidya. Waxaa Diretor ka ahaa Rajkumar Hirani halka shirkada Vidhu Vinod Chopra Productions maal galisay.

3 IDIOTS waxaa tiyaatarada la saaray 24 Dec 2009 waana filim All Time Blockbuster sidoo kalena wuxu soo xareeyay 201.37 Crore (Trade Figure) asigoo noqday filimkii ugu horeeyay ee darajada 200 Crore gaaro.

3 IDIOTS lacagtiisa 201.37 Crore haddii sicirka maanta lagu jaangooyo waxay u dhigantaa 305.67 Crore (Adjusted Net Gross) wuxuuna ahaa HIT-ka ugu weyn Bollywood-ka sameeyeen mudo 5-sano ah waxaana iskoorka kala wareegay filimka PK weyninka HIT-ka.

3 IDIOTS waxaa Tikit u goosteen 31-milyan iyo 785,000 waxaana filimka 12-aad ee loogu daawasho badan yahay Bollywood-ka 25-sano ugu dambeesay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka 3 IDOTS iyo todobaad walbo ganacsiga uu sameeyay kuna daabacan keedka shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 76.26 Crore

Todobaadka labaad – 56.15 Crore

Todobaadka sedexaad – 30.38 Crore

Todobaadka afaraad –  15.95 Crore

Todobaadka shanaad – 9.83 Crore

Todobaadka lixaad – 4.36 Crore

Todobaadka todobaad – 2.49 Crore

Todobaadka sideedaad – 1.38 Crore

Todobaadka sagaalaad – 72 Lakh

Todobaadka tobonaad – 48 Lakh

Todobaadka 11+ iyo wixii ka dambeeyo la isku daray – 58 Lakh

Wadarta Guud – 201.37 Crore (Trade Figure)

Ogaansho Muhiim Ah Ka Hor Inta Aadan Codsi Soo Dhiibanin.

Shabakada Boxoffice India (BOI) keedkeeda rasmiga ah waxaa ku diiwaan gashan filim walbo oo ganacsi wacan sameeyo tiyaataradana ku raago 11 Todobaad ganacsigiisa micnaha todobaadka kowaad ilaa todobaadka 11-aad.

Marka la gaaro todobaadka 11-aad wuxuu ka dambeeyo wey adag tahay in filimka lacagtiisa dabagal lagu sii sameeyo ayadoo tiyaataradiisa ay sii yaraanayaan marka ma sahlano dabagal sax ah lacagtiisa in lagu sameeyo.

Sidaa darteed Shabakada BOI waxay sameysaa filimka marka 11-todobaad iyo ka badan saarnaado tiyaatarada inay kusoo gaba gabeyso ganacsigiisa marka uu tiyaatarada ka dago Todobaadka 11+ micnaha waxaa la isku daraa ganacsiga guud ee uu sameeyay laga bilaabo Todobaadka 11-aad iyo wixii ka dambeeyay.

Aqriste Soo Codso Filim Classic Ah Oo Aad Jeclaan Laheyd Inaan Warbixin Kaa Siino Inta Todobaad Ee Uu Tiyaatarada Saarnaa Sidoo Kalena Xogta Aan Heli Karno Waa Filimadii Soo Baxeen Dhamaadkii 1993 Ilaa Haatan Ee Keedka Shabakada Boxoffice India (BOI) Ku Jiraan Waayo Xog Aan Tixraac Rasmi Laheyn Aqristayaasheena Ma Siin Karno.

Aqriste Abdirahman Abdinur Mu’min codsigiisa filimka Main Pyar Kiya inaan usoo gudbino inta todobaad ee uu saarnaa tiyaatarada ma heli karno madaama keedka saxan oo wax laga soo xigan karo shabakada Boxoffice India (BOI) iska leedahay ku jiraan dhamaadkii 1993 ilaa 2018 balse weli lama sixin wixii 1993 ka horeeyeen filimadii ay Bollywood-ka sameeyeen.

Filimka GADAR – EK PREM KATHA iyo inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa si aad u ogaatid RIIX HALKAAN

Filimka HUM AAPKE HAIN KOUN..! iyo inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa si aad u ogaatid RIIX HALKAAN

1 Comment

Comments are closed.