Classic Movies: Imisa todobaad ayuu tiyaatarada saarnaa filimka HUM AAPKE HAIN KOUN..!

Kusoo dhawaada maqaalkeena aan kaga hadleenay codsiga aqristayaasha ee ku aadan filimada Classic ah ee mudada dheer tiyaatarada saarnaa inaan xog dhameestiran ka siino.

Haddaba maanta waxaa miiska inoo saaran filimka ugu weyn Hindiya sameeyaan 25-sano ugu dambeesay HUM AAPKE HAIN KOUN..! oo ay aqristayaal kala duwan naga soo codsadeen inaan la wadaagno inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa.

HUM AAPKE HAIN KOUN..! waxaa wada jileen Salman Khan iyo Madhuri Dixit halka Sooraj Barjatya Director ka ahaa sidoo kalena waxaa maal galisay shirkada reer Bartajya iska leeyihiin Rajshri Productions Pvt. Ltd.

HUM AAPKE HAIN KOUN..! waxaa tiyaatarada la saaray 5 Aug 1994 waana filim All Time Blockbuster sidoo kalena wuxu soo xareeyay 72.46 Crore (Trade Figure) asigoo iskoorkii filimka Sholay 15 Crore dhigay sanadii 1975 jebiyay.

HAHK lacagtiisa 72.46 Crore haddii sicirka maanta lagu jaangooyo waxay u dhigantaa 711.29 Crore (Adjusted Net Gross) waana HIT-ka ugu weyn Bollywood-ka sameeyeen 25-sano ugu dambeesay sidoo kalena waxaa filimkan Tikit u goosteen 73-milyan iyo 962,000 oo qof mana jirto filim ka tikit goosasho badan mashruucaan 25-sano ugu dambeesay.

Shabakada Boxoffice India (BOI) keedkeeda rasmiga ah waxaa ku diiwaan gashan filim walbo oo ganacsi wacan sameeyo tiyaataradana ku raago 11 Todobaad ganacsigiisa micnaha todobaadka kowaad ilaa todobaadka 11-aad.

Marka la gaaro todobaadka 11-aad wuxuu ka dambeeyo wey adag tahay in filimka lacagtiisa dabagal lagu sii sameeyo ayadoo tiyaataradiisa ay sii yaraanayaan marka ma sahlano dabagal sax ah lacagtiisa in lagu sameeyo.

Sidaa darteed Shabakada BOI waxay sameysaa filimka marka 11-todobaad iyo ka badan saarnaado tiyaatarada inay kusoo gaba gabeyso ganacsigiisa marka uu tiyaatarada ka dago Todobaadka 11+ micnaha waxaa la isku daraa ganacsiga guud ee uu sameeyay laga bilaabo Todobaadka 11-aad iyo wixii ka dambeeyay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka HUM AAPKE HAIN KOUN..! iyo todobaad walbo ganacsiga uu sameeyay kuna daabacan keedka shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 68 Lakh

Todobaadka labaad – 69 Lakh

Todobaadka sedexaad – 73 Lakh

Todobaadka afaraad –  87.50 Lakh

Todobaadka shanaad – 1.08 Crore

Todobaadka lixaad – 1.25 Crore

Todobaadka todobaad – 1.34 Crore

Todobaadka sideedaad – 1.49 Crore

Todobaadka sagaalaad – 1.09 Crore

Todobaadka tobonaad – 1.09 Crore

Todobaadka 11+ iyo wixii ka dambeeyo la isku daray – 60.98 Crore

Wadarta Guud – 72.46 Crore (Trade Figure)

Waxaa ilaa haatan lala yaaban yahay in filimka HAHK 10-kiisa todobaad ee ugu horeesay inuu keenay 11.48 Crore laga bilaabo todobaadkiisa 11-aad ilaa mudo labo ku dhow uu tiyaatarada saarnaa wuxuu soo xareeyay 60.98 Crore taasi oo ka dhigtay mashruucaan kulamada uu masraxa sii saarnaado inay lacagtiisa sii badato sidoo kale waxaa dhacday dhamaadkii 1994 ilaa dhamaadkii 1995 in tiyaataro dheeri ah la dhiso si dalabaadka qoysaska looga jawaabo!

Aqriste Soo Codso Filim Classic Ah Oo Aad Jeclaan Laheyd Inaan Warbixin Kaa Siino Inta Todobaad Ee Uu Tiyaatarada Saarnaa Sidoo Kalena Xogta Aan Heli Karno Waa Filimadii Soo Baxeen Dhamaadkii 1993 Ilaa Haatan Ee Keedka Shabakada Boxoffice India (BOI) Ku Jiraan Waayo Xog Aan Tixraac Rasmi Laheyn Aqristayaasheena Ma Siin Karno.

Filimka GADAR – EK PREM KATHA iyo inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa si aad u ogaatid RIIX HALKAAN

4 Comments

    • Walaalkeen codsigaaga qoraalka gudaha ayaan kaga jawaab celinay oo ah in Main Pyar Kiya xogtiisa dhameestiran la heli karin madaama shabakada Boxoffice India (BOI) filimada ay saxday ku eg yihiin dhamaadka 1993 ilaa 2018 ama xiligaan aan joogno marka naga raali ahaaw Main Pyar Kiya xogtiisa dhameestiran ma heli karno.

Comments are closed.