Classic Movies: Imisa todobaad ayuu tiyaatarada saarnaa filimka RAJA HINDUSTANI

Kusoo dhawaada maqaalkeena aan kaga hadleenay codsiga aqristayaasha ee ku aadan filimada Classic ah ee mudada dheer tiyaatarada saarnaa inaan xog dhameestiran ka siino.

Haddaba maanta waxaa miiska inoo saaran filimka jaceylka qiirada badan, heesahiisa wacan nolosha qoyskana ka hadlaayo oo Aamir Khan iyo Karisma Kapoor waligood lagu xasuusan doono waana RAJA HINDUSTANI waxaana naga soo codsaday aqriste Inj haadi.

RAJA HINDUSTANI waxaa wada jileen Aamir Khan iyo Karisma Kapoor. Waxaa Diretor ka ahaa Dharmesh Darshan sidoo kalena shirkada Cineyug Films ayaa maal galisay.

Raja Hindustani waxaa tiyaatarada la saaray 11 Nov 1996 waana filim All Time Blockbuster ah sidoo kalena wuxu soo xareeyay 43.14 Crore (Trade Figure) halka kooxda cajaladaha qeybiyaan ay ka heleen 27.89 Crore asigoo noqday filimada lacagaha ugu badan soo xareeyay ee sanadii 1996 la daawaday waana HIT-ka ugu weyn Aamir Khan sameeyay.

Raja Hindustani lacagtiisa 43.14 Crore haddii sicirka maanta lagu jaangooyo waxay u dhigantaa 394.05 Crore (Adjusted Net Gross) waana filimka Classic ah oo ilaa haatan aan laga xiiso dhigeyn daawashadiisa.

Raja Hindustani waxaa Tikit u goosteen 40-milyan iyo 975,000 waana filimka 5-aad ee loogu daawasho badan yahay Bollywood-ka 25-sano ugu dambeesay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Raja Hindustani iyo todobaad walbo ganacsiga uu sameeyay kuna daabacan keedka shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 3.65 Crore

Todobaadka labaad – 3.59 Crore

Todobaadka sedexaad – 3.53 Crore

Todobaadka afaraad –  3.35 Crore

Todobaadka shanaad – 3.26 Crore

Todobaadka lixaad – 3.21 Crore

Todobaadka todobaad – 2.84 Crore

Todobaadka sideedaad – 1.80 Crore

Todobaadka sagaalaad – 1.69 Crore

Todobaadka tobonaad – 1.48 Crore

Todobaadka 11+ iyo wixii ka dambeeyo la isku daray – 14.35 Crore

Wadarta Guud – 43.14 Crore (Trade Figure)

Waxaa xusid mudan in filimka Raja Hindustan uu tiyaatarada baaqi kusii ahaa todobaadkiisa 11-aad iyo wixii ka dambeeyay asigoo keenay 14.35 Crore taasi oo ka dhigan in 33.26% ganacsigiisa guud uu sameeyay wixii ka dambeeyay todobaadkiisa 11-aad sidoo kalena filimkan 50-isbuuc oo xariir ah ayuu tiyaatarada saarnaa!

Ogaansho Muhiim Ah Ka Hor Inta Aadan Codsi Soo Dhiibanin.

Shabakada Boxoffice India (BOI) keedkeeda rasmiga ah waxaa ku diiwaan gashan filim walbo oo ganacsi wacan sameeyo tiyaataradana ku raago 11 Todobaad ganacsigiisa micnaha todobaadka kowaad ilaa todobaadka 11-aad.

Marka la gaaro todobaadka 11-aad wuxuu ka dambeeyo wey adag tahay in filimka lacagtiisa dabagal lagu sii sameeyo ayadoo tiyaataradiisa ay sii yaraanayaan marka ma sahlano dabagal sax ah lacagtiisa in lagu sameeyo.

Sidaa darteed Shabakada BOI waxay sameysaa filimka marka 11-todobaad iyo ka badan saarnaado tiyaatarada inay kusoo gaba gabeyso ganacsigiisa marka uu tiyaatarada ka dago Todobaadka 11+ micnaha waxaa la isku daraa ganacsiga guud ee uu sameeyay laga bilaabo Todobaadka 11-aad iyo wixii ka dambeeyay.

Aqriste Soo Codso Filim Classic Ah Oo Aad Jeclaan Laheyd Inaan Warbixin Kaa Siino Inta Todobaad Ee Uu Tiyaatarada Saarnaa Sidoo Kalena Xogta Aan Heli Karno Waa Filimadii Soo Baxeen Dhamaadkii 1993 Ilaa Haatan Ee Keedka Shabakada Boxoffice India (BOI) Ku Jiraan Waayo Xog Aan Tixraac Rasmi Laheyn Aqristayaasheena Ma Siin Karno.

Codsiga Aqristayaasha Ee Liiska Noogu Jiro:

Aqriste Abdirahman Abdinur Mu’min codsigiisa filimka Main Pyar Kiya inaan usoo gudbino inta todobaad ee uu saarnaa tiyaatarada ma heli karno madaama keedka saxan oo wax laga soo xigan karo shabakada Boxoffice India (BOI) iska leedahay ku jiraan dhamaadkii 1993 ilaa 2018 balse weli lama sixin wixii 1993 ka horeeyeen filimadii ay Bollywood-ka sameeyeen.

abdisamad cosdigiisa filimka Kuch Kuch Hota Hai

Moha Ali codsigiisa filimka Chennai Express

Cabdi maalik gees cadde codsigiisa filimka Dhadkan

Classic Movies Ama Filimada Caanka Ah Aan Xogtooda Soo Gudbinay:

Filimka GADAR – EK PREM KATHA iyo inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa si aad u ogaatid RIIX HALKAAN

Filimka HUM AAPKE HAIN KOUN..! iyo inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa si aad u ogaatid RIIX HALKAAN

Filimka 3 IDIOTS iyo inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa si aad u ogaatid RIIX HALKAAN

Filimka DILWALE DULHANIA LE JAYENGE iyo inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa si aad u ogaatid RIIX HALKAAN

Filimka KABHI KHUSHI KABHIE GHAM… iyo inta todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa si aad u ogaatid RIIX HALKAAN