Dabbang 3 Vs Brahmastara : Salman Khan Oo Doonaya Inuu Ranbir Kapoor Christmas Kula Dagaalamo!!

dabbang 3 iyo brahmastara  waa 2 kamid ah aflaamta sida weyn sanadkaan daafaha caalamka looga wada sugaayo inkastoo xiisaha gudaha hindiya si weyn loog sugaayo dabbang 3 maadaama si weyn loogu xiisay xarakadii chulbull pandey

Sidaan wada hore u ogeyn in aktarka ranbir kapoor uu shaaciyay im filimkiisa brahmast la daawan doona 20 december sanadkan taaso ku beegan fasaxa ciida gaalada christmas

laakiiin hadda waxaa maalintaas qorshaha ku darsaday aktarka aan lagu gaarin maalmaha fasaxa cid kale maaha waa aktarka salman khan kaaso hadda shaaciyay in filimkiisa dabbang 3 la daawan doono 20 december

Sidaa aawged kooxda brahmastara hadda waxaa soo wajahday cabsi weyn maadaama maalintaas uu ku qabsaday  Sallu kaaso leh taagero fara badan

karan johar oo ah soo saaraha filimka brahmastara ayaa  ka cabsanayaan in salman khan uu qaato tiyaatarada ugu badan maadaama aktarkan uu ku jiro xilgiisa ugu awoodda badnaa filimka dabbang 3 waxaa director ka ah ninka lagu magacaabo prabhudheva