Da’du waa tiro. Daawo sawiro qaar kamid ah jilyaasha halkii ay duqoobi lahaayeen dhalinyaro sii noqday.

Dadku markey duqoobaan ama cimrigooda da’ kusii kororto waa laga dareemaa iney sii weynaadeen balse waxaan maanta idiin heynaa qaar kamid ah jilyaasha Hollywoodka oo aadba moodid iney sii yaraanayaan.

Halkaan hoose ka daawo.

1-Paul Rudd

49 jirkaan ayaa u muuqdo midaan wali is badalin tan iyo markuu jilay filimkiisii ugu horeeyay Clueless.

2-Jennifer Lopez.

fanaanadaan quruxleyda ah maba duqowdo waana 49jir balse waxaa la moodaa 25 jir.

3-John Legend.

waa 40 jir balse sawirka uu 13 sano kahor galay iyo midka maanta hadaad isku fiiriso waxaadba moodaa maanta inuu yaryahay.

4-Halle Berry.

sanadkaan ayay da’doii 53aad galeysaa balse wajigeeda si fiican u fiiri imisa jir ayaad moodaa?

5-Jared Leto.

labada sawir markaad isku firiso waxaadba ku dhaaranee midka dambe inuu yaryahay lkn aktarkaan waa 47 jir.

6-Mario Lopez.

Aktarkaan asna waa 45 jir balse sawirka uu galay 2001dii iyo midka uu galay 2016dii hadaad isku fiiriso midkee weyn ayay kula tahay?

7-Eva Mendes.

Sidee macquul ku noqotay in isku muuqaal yeelato labo sawir oo ay u dhaxeyso 13 sano?

8-Idris Elba.

Hadii aad meel iska soo dhigto garka yar ee cirada leh 46jirkaan 16 sano kahor siduu ahaa wax miyuu iska badalay?

9-William Shatner.

Waa 87 jir laakiin sawirkii laga qaaday 16 sano kahor markii aad fiiriso iyo midka laga qaaday 3 sano kahor waxaadba moodaa inuu hada yaryahay.

la soco qeybta 2aad oo xiiso leh.