Dagaal dan uguma jirto SRK iyo Priyanka oo mudo 8-sano kadib wada shaqeyn doonaan

Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan iyo atirishada hormartay ee haatan Hollywood-ka la shaqeyso Priyanka Chopra ayaa la sheegay in ugu dambeyntii shaashada kasoo wada muuqan doonaan sidoo kalena diyaar u yihiin mudo 8-sano kadib inay isla shaqeeyaan.

Waxaan marnaba la hilmaami karin is fahankii ay shaashada kusoo bandhigeen filimada Don (2006) iyo Don 2 (2011) balse SRK xaaskiisa Gaur Khan ayaa dhibsatay is fahanka shaqada baxsan ee uu Priyanka la yeeshay si uu reerkiisa u bad baadsado ayuu SRK kaga fogaaday mudo 8-sano ah inuusan PC shaashada kala soo muuqanin.

Balse haatan Priyanka waa marwo waxayna sanadkii hore dhamaadkiisa guursatay Nick Jonas sidaa darteed Gauri Khan wax culees ah markaan uma aragto in seygeeda uu la shaqeeyo Priyanka waxayna haatan bilaabeen inay ka arinsadaan mashruuca xiga ay isla sameenayaan.

Farhan Akhtar ayaa kulan la qaatay SRK iyo Priyanka wuxuuna u bandhigay inay Don 3 isla sameeyaan weyna ka aqbaleen waxaana la sheegay Director Farhan inuu haatan dhameeyay qoraalka sheekada Don 3 taxanahan caanka ah sidoo kalena kulan labaad sedexdaan isugu imaan doonaan dabyaaqada bisha May sidoo kalena qorshaha wuxuu yahay lixda bilood dambe sanadkan in Don 3 la duubo sidoo kalena tiyaatarada la saaro qaybaha dambe 2020.

SRK ilaa iminka wax mashruuca ah ma uusan saxiixanin kadib markii sanadkii hore dhamaadkiisa uu Flop ka noqday filimka Zero wuxuuna rabaa in Don 3 uu kusoo laba kacleeyay culeeskana isaga dajiyo.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*