Home Nolosha Jilayaasha Dagaal Ka Dhan Bidaarta: Atoorayaasha Bollywoodka Ee Bidaarta Lahaan Jireen Balse Timo...

Dagaal Ka Dhan Bidaarta: Atoorayaasha Bollywoodka Ee Bidaarta Lahaan Jireen Balse Timo Abuurteen Maxaa Gabdho Badan La Qiyaanay (+Sawiro)

 

Waxaan idiin heynaa 10 atoore oo Bollywoodka katirsan kuwaso markii hore bidaar lahaayen balse timaha abuurteen qaarkood qaar kalena daawada bidaarta ee timaha soo bixisa marsadeen.

Liiskan waxaa kujiraan atoorayaal caan ah sida Salman Khan iyo Akshay Kumar fadlan hoos kaga bogo 10-ka atoore ee la dagaalameen bidaarta ugu dambeyna ku guuleesteen inee dib u helaan timo.

1. Kapil Sharma

Haddii aad aragto Sawirada Kapil Sharma runtii waad la yaabeysaa, Farqiga u dhaxeeyo hadda iyo 4 Sano ka hor, sababtoo ah wuxuu maray qalliin tinta lagu abuurayey, waxaana hadda muuqato in foolkiisa hore ay Tinta kasoo horeyso

2. Sunny Deol

hair transplantSunny Deol marnaba uma muuqdo inuu maray Qallin tinta lagu abuurayey, balse waxaa jiro farqi u dhaxeeyo meesha ay tinta ka bilaabato ee madaxdiisa sida aad ka dareemi karto sawirka hore iyo midka cusub, balse illaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo inuu Qalliin maray.

3. Aditya Pancholi

hair transplantAditya Pancholi shaki la’aan wuxuu kamid ah yahay Liiska Xiddigaha maray Qalliinka tinta, waxaana sawirada kaaga muuqdo inuu jiro Farqi weyn oo u dhaxeeyo markii hore iyo hadda, waxaana la aaminsan yahay inuu ku saxnaa inuu abuurto tinta.

4. Akshay Kumar

hair transplant

Shaki la’aan qof kasta way ku adagtahay inuu daryeelo tintiisa marka uu gaaro 40 Sano, Akshay Kumar  wuxuu maray qalliin uu tinta ku abuuranayo si uu uga hortago dhibaatadii soo gaartay 40-kii sano ee ugu horeysay noloshiisa.

5. Himesh Reshammiya

hair transplant

Himesh wuxuu Bollywoodka soo galay isagoo heesaa ah, wuxuu qof kasta xasuustaa inuu ninkaan madaxiisa ku qarin jiray Koofi, Koofiyada maaheyn Fashion ee waxaa lagu qarinayey Bidaarta, waxaana la xaqiijiyey inuu 7 Sano ka hor maray Qalliin uu tintiisa dib ugu helay kana caawisay inuu iska dhigo Koofidii uu caanka ku aha .

6. Salman Khan

hair transplantSalman Khan hadda waa mid kamid ah Jilaayaasha ugu caansan Bollywood, waxaa jiray waqti uu ninkaan lahaa Bidaar, sida ay wararka sheegayaan Salman Khan ayaa maray Qalliin tin abuuritaan ah sanadkii 2007, waxaana la xaqiijiyey inuu Qalliinkaas ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana fuliyey Dhakhtar ku takhasusay Abuuritaanka Timaha kaasoo u dhashay Dalka Mareykanka.

7. Govinda

hair transplant

Waxaa la sheegay inuu Govinda talada ah inuu abuurta tintiisa uu ka qaatay Salman Khan, waxaana la aaminsan yahay inuu Qallinkaas maray waqtigii uu ka maqnaa Bollywoodka.

8. Sanjay Dutt

hair transplant

Haddii aan fiirino Sawiradaan waxaa muuqato farqi weyn oo u dhaxeeyo halka ay tinta kasoo bilaabato, wax shaki ah kuma jiro inuu macho man Sanjay Dutt maray Qalliin uu tintiisa ku abuuranayey.

9. Akshaye Khanna

hair transplant

Bidaarta Akshaye Khanna ma aheyn mid la iska indha tiri karay, waxaana hadda muuqato in Timaha Akshaye ay u muuqdaan kuwa caadi ah, wuxuuna hadda dareemayaa farxad, wararka ayaa sheegayo inuu Xiddigaan isticmaalay daawooyin Dabiici ah kuwaas oo ka saaciday inuu dib u helo Timihiisa.

10. Amitabh Bachchan

hair transplantGuud ahaan, ma jiro qof aaminsan in Amitabh Bachchan uu lahaa Bidaar, Balse waxaa jiro sawiro muujinayo halganka uu Amitabh Bachchan lasoo galay Bidaarta, wuxuuna ugu dambeyn ku guuleysgtay inuu maro Qalliin uu dib ugu helay Tintiisa.

Dhamaad…

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufatoXayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Caunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…

 




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...