Dangal, Chakde India, Baagh Milkha Baaghi Baro Aflaamta Ugu Fiican Bollywoodka Kuwaaso Hadlayaan Sports

Bollywoodka waa shirkada caalami ah waxa aynna sameesa aflaamo fariimo kala duwan iyadoo xilliyadaan dambe ay bollywoodka bilowday inay sameeso aflaamo ka hadlaya halyeeyadooda dhanka sports

kuwaaso dad gelinaysa qiiro iyo xasuus hore kaliya hindiya heer kama aysan gaarin ciyaarista ciyaarta cricket sida aan ku aragnay waxa Jiraan dhawr aflaamood oo ku saabsan ciyaaro ka mid ah sports ka sida orodka tenniska lagdanka

sida filimkan dangal maanta waxan ku hayaa aflaamo ku saabsan sheekadooda sports ama ciyaaro ee ugu fiican kuwaaso bollywoodka ay sameeyeen

fadlan hoos ka eeg liiskaas aflaamtaas

1. chakde india (2007)

filimka Chak De! India waa mid kamid ah aflaamta SRK ugu wanaagsan sheeka ahaan iyo ganacsi ahaanba, waxaana la daawaday 10 Aug 2007 waana filim ka hadlaayo Sports ka waxaana oo kooxda gabdhaha qaranka india uu shah rukh khan u horseedaayo inay ku guuleystaan bilada dahabka ee ciyaaraha hockey ga isagoo macalinkooda ah

 

2. lagaan (2001)

15-kii June 2001 waxaa la daawaday filimka Classic noqday ee Mr. Perfectionist Aamir Khan hogaamiyaha ka ahaa. kaaso ka hadlayay wiilal kuwaaso xuriyadooda ku raadsadeyn ciyaarta cricket ka

Lagaan ma ahan filim caadi ah waa fariin Hindiya waji kale u yeeshay looguna aqoonsaday Hindiya inay sameyn karaan aflaan tayo wanaagsan oo waaqici ah bulshadana saameyn ku yeelan karto.

 

3. bhaag milkha bhaag (2013)

Farhan isagana wuxuu u istaagay mataalada orad yahankii Hindiya ku faani jireen Milkha Singh sidoo kalena cayaaraha Olympicada wacdaro ka dhigay reer Punjab-na ahaa. farhan filmkan Bhaag Milkha Bhaag

kaaso uu tabobar weyn uu u galay si uu doorkisa filmka kaga dhabeeyo waxuuna miisankisa kudaray in badan isagoo jirkiisa dhistay sido kalena horey uu u ahaa qof iska caato ah.

 

4. iqabal (2005)

filimkan iqbal waxaa hogaamiye ka ah aktarka shreyas talpade kaaso filimkiisa ugu horeeyay waxaana la daawaday 23 august 2005

waxaana door weyn ku lahaa aktarka naseeruddin shah filimkan waxa uu ka hadlaya wiil ku nool tuulo kaaso magaalada u imaanaya inuu u ciyaaro xulka qaranka india ciyaarta cricket ka

 

5. marry kom (2014)

Mary Kom waa film looga hadlaayey gabadha feeryahanka ah ee Mary Kom waxaaan isago film ah la sameyay sanadkii 2014 ayado ay Priyanka Chopra hogaamiyaha ka ahed.

priyanka waxay ku dhiirayay inay matasho doorka gabadhii geesiyada ahayd Mar Kom ee cayaarta feerka darajo sare ku gaartay xirfad ahaan.

 

6. dangal (2016)

Dangal waxaa hogaamiye ka ah aabaha iskoor sameynta Mr.Perfectionist Aamir Khan halka Fatima Sana Sheikh iyo Sanya Malhotra kula weheliyen.

Filmkaan sheekadisa waxay quseysa oo ay kahadleysa ninka lagu magacaabo Mahavir Singh Phogat kaaso ah macalink tabobarka lagdanka waxuuna lagdanka bari jiray 6 gabdhoo oo uu 4 kamid ah isaga dhalay halka 2 kalena walaalkiis dhaleen

sidaa awged waxuu ugu dambeyn ku guulesana inuu gabdhahas soo saaro lagdanka heer sare ka gaaraan ayagoo India sumcadeda kor u qaadayan.