Day 3 Morning Update: Filimka Kesari iyo sida uu ku furmay subaxan oo Sabti ah

Mada daaliyaha kowaad Bollywood-ka Akshay Kumar filimkiisa Kesari waa mid sheeko ahaan hirgalay sidoo kalena labadiisa maalmood ugu horeesay ganacsi wanaagsan sameeyay wuxuuna keenay 38 Crore (Trade Figure), maantana wuxuu guda galay maalintiisa sedexaad ee uu tiyaatarada saaran yahay.

Filimka Kesari aqbaarta wanaagsan ee aan idin kaga heyno ayaa ah inuu maanta oo Sabti ah subaxdii hore ka bilaabasho wanaagsan yahay Khamiistii iyo Jimcadii sida uu ku furmay waana hubaal in maanta oo Sabti ah ganacsi weyn sameyn doono Kesari.

Filimka Kesari wuxuu ku furmay 31% ilaa 32% inta u dhaxeyso subaxan waana bilaabasho heer sare ah ayadoo maanta duhurkii, galabta iyo caawo fiidkii sare u kac sameyn doono madaama dadka hawlaha iyo waxbarashada ka nasan doonaan laga bilaabo gelinka dambe ee maanta.

Waxaa xusid mudan in Kesari uu ku furmay subaxdii hore Khamiista 25%-30% halka Jimcadii uu ku furmay 18%-20% sidoo kalena subaxan oo Sabti ah ayuu bilaabasho adag sameeyay oo ah 31%-32%.

Fadlan Sample-ka hoose kaga bogo filimka Kesari sida uu subaxan kaga furmay magaalooyinka waa weyn iyo Shows-ka laga daawanayo ama shaashadaha laga daawanayo magaalo walbo sidoo kalena aan la bar bar dhignay sidii uu shalay subaxdii hore (Jimco):

Delhi NCR: Jimco subaxdii hore (20% & 1010 shaashad), Sabti subaxdii hore (35% & 1010 shaashad)

Mumbai: Jimco subaxdii hore (15% & 1130 shaashad), Sabti subaxdii hore (25% & 1130 shaashad)

Pune: Jimco subaxdii hore (10% & 370 shaashad), Sabti subaxdii hore (30% & 390 shaashad)

Bengaluru: Jimco subaxdii hore (25% & 290 shaashad), Sabti subaxdii hore (40% & 290 shaashad)

Hyderabad: Jimco subaxdii hore (35% & 310 shaashad), Sabti subaxdii hore (50% & 310 shaashad)

Kolkata: Jimco subaxdii hore (20% & 270 shaashad), Sabti subaxdii hore (25% & 270 shaashad)

Ahmedabad: Jimco subaxdii hore (10% & 340 shaashad), Sabti subaxdii hore (15% & 340 shaashad)

Chennai: Jimco subaxdii hore (10% & 83 shaashad), Sabti subaxdii hore (10% & 83 shaashad)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.