Day 4 Morning Update: Filimka Kesari sida uu subaxan ku furmay maanta oo Axad ah ganacsi weyn ka filo

Bollywood King Kumar Aka Akshay Kumar filimkiisa Kesari subaxan oo Axad wuxuu ku furmay siweyn waana maalintiisa ugu wanaagsan ee uu tiyaatarada saaran yahay madaama uu subaxdii hore Hindiya oo idil kaga furmay 43% ilaa 44% wuxuuna ka bilaabasho wanaagsan yahay sedexdii maalmood hore ee filimkan soo martay.

Sida caadiga ah Axada waxaa ugu wanaagsan xiliga duhurka iyo galabta madaama markaas qoysaska iyo dhalinyarada firaaqo wacan heestaan sidaa darteed Kesari maanta gelinka dambe siweyn ayuu Hindiya u qabsan doonaa marka laga cabir qaato sida uu subaxan ku furmay.

Fadlan hoos kaga bogo is bar bar dhig lagu sameeyay filimka Kesari sida uu subax walbo ku furmaay afarta maalmood ee uu tiyaatarada saaran yahay:

Axad subaxdii hore – 43%-44%

Sabti subaxdii hore – 31%-32%

Jimco subaxdii hore – 18%-20%

Khamiis subaxdii hore – 25%-30% (tiyaataro xadidan ayaa laga daawaday subaxdii hore)

Dhinaca kale Sample-ka hoose kaga bogo filimka Kesari sida uu subaxan kaga furmay magaalooyinka waa weyn iyo Shows-ka laga daawanayo ama shaashadaha laga daawanayo magaalo walbo sidoo kalena aan la bar bar dhignay sidii uu shalay subaxdii hore (Sabti):

Delhi NCR: Sabti subaxdii hore (35% & 1010 shaashad), Axad subaxdii hore (45% & 1010 shaashad),

Mumbai: Sabti subaxdii hore (25% & 1130 shaashad), Axad subaxdii hore (40% & 1130 shaashad),

Pune: Sabti subaxdii hore (30% & 390 shaashad), Axad subaxdii hore (40% & 370 shaashad),

Bengaluru: Sabti subaxdii hore (40% & 290 shaashad), Axad subaxdii hore (45% & 290 shaashad),

Hyderabad: Sabti subaxdii hore (50% & 310 shaashad), Axad subaxdii hore (50% & 310 shaashad),

Kolkata: Sabti subaxdii hore (25% & 270 shaashad), Axad subaxdii hore (30% & 270 shaashad)

Ahmedabad: Sabti subaxdii hore (15% & 340 shaashad), Axad subaxdii hore (35% & 340 shaashad),

Chennai: Sabti subaxdii hore (10% & 83 shaashad), Axad subaxdii hore (10% & 83 shaashad)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.