Day 5 Morning Update: Filimka Kesari iyo sida uu subaxan Isniin ah ku furmay maanta waa maalin shaqo

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Kesari maanta oo Isniin ah waxay u tahay maalin tijaabo culus uu maraayo madaama afartiisa maalmood ugu horeesay ganacsi adag sameeyay 78.25 Crore (Trade Figure) keenay waa filim guuleestay si uu darajada HIT ugu dalaco maanta waa inuu ganacsi ahaan is celiyaa.

Haddaba Kesari maanta oo Isniin ah subaxdii hore xiliga Hindiya wuxuu kaga furmay 15% oo ka dhigan si gaabis ah inuu ku bilaawday balse waa gaabis la aqbali karo madaama Jimcadii oo maalin shaqo ahayd uu ku furmay 18% ilaa 20% sidaa darteed si aad u hooseyso kuma uusan furmin maanta oo Isniin ah waxaana laga rabaa gelinka dambe galabta iyo caawo fiidkii ganacsigiisa inuu sare u kaco si Isniintiisa kowaad uu kaga gudbo tijaabada hortaalo.

Fadlan hoos kaga bogo is bar bar dhig lagu sameeyay filimka Kesari sida uu subax walbo ku furmaay afarta maalmood ee uu tiyaatarada saaran yahay:

Isniin subaxdii hore – 15%

Axad subaxdii hore – 43%-44%

Sabti subaxdii hore – 31%-32%

Jimco subaxdii hore – 18%-20%

Khamiis subaxdii hore – 25%-30% (tiyaataro xadidan ayaa laga daawaday subaxdii hore)

Dhinaca kale Sample-ka hoose kaga bogo filimka Kesari sida uu subaxan kaga furmay magaalooyinka waa weyn iyo Shows-ka laga daawanayo ama shaashadaha laga daawanayo magaalo walbo sidoo kalena aan la bar bar dhignay sidii uu shalay subaxdii hore (Axad):

Delhi NCR: Axad subaxdii hore (45% & 1010 shaashad), Isniin subaxdii hore (25% & 1010 shaashad)

Mumbai: Axad subaxdii hore (40% & 1130 shaashad), Isniin subaxdii hore (10% & 1130 shaashad)

Pune: Axad subaxdii hore (40% & 370 shaashad), Isniin subaxdii hore (10% & 370 shaashad),

Bengaluru: Axad subaxdii hore (45% & 290 shaashad), Isniin subaxdii hore (20% & 290 shaashad),

Hyderabad: Axad subaxdii hore (50% & 310 shaashad), Isniin subaxdii hore (30% & 310 shaashad),

Kolkata: Axad subaxdii hore (30% & 270 shaashad), Isniin subaxdii hore (25% & 270 shaashad)

Ahmedabad: Axad subaxdii hore (35% & 340 shaashad), Isniin subaxdii hore (10% & 340 shaashad),

Chennai: Axad subaxdii hore (10% & 83 shaashad), Isniin subaxdii hore (0% ama wax show ah subaxdii hore magaalada Chennai kama jiraan & 83 shaashad)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.