CIYAARAHA WARARKA MAANTA

De Ligt oo ka hadlay hadalkii uu Ronaldo dhagta ugu sheegay xalay kadib markii uu soo dhamaaday Finalkii Uefa Nations League.

Laacibka qaranka Netherland iyo kooxda Ajax ayaa ka hadlay hadalkii uu xalay Ronaldo dhagta ugu sheegay kadib markuu soo dhamaaday finalkii koobka Uefa Nations League kaasoo u dhaxeeyay Portugal iyo Holland.

Finalkaan oo ahaa kii ugu horeeyay ee tartankaan ayaa waxaa 1-0 ku badiyay qaranka Portugal waxaana dhamaadkii cayaarta la arkay Ronaldo oo dhagta wax ugu sheegayo De Ligt waana wax ay saxaafada is weydiisay dabagalna ku sameysay.

De Ligt oo cayaarta kadib u waramayay majalada NOS ayaa sheegay in Ronaldo weydiiyay hadii uu Juventus kula soo biiri doono xagaagan.

Asigoo arintaas ka hadlayay ayuu yiri; “Ma fahmin bilowgii wuxuu igu dhahay hase yeeshee markaan fahmay waxaan dareemay xoogaa yar oo shook ah waana u qoslay balse uma aanan jawaabin”

De Ligt ayaa hadalkiisa ku daray; “arinka si dagdag ayuu ku dhacay cayaarta kadib waxaan ahaa mid ka niyad jabsan guuldarada waxayna aheyd arinka kaliya ee aan ka fikiraayay”.

De Ligt ayaa waxaa lagu wadaa in sanadkaan uu isaga tagi doono kooxdiisa Ajax waxaana saxiixiisa doonayo kooxo ay kamid yihiin Barcelona, PSG, Manchester United, Juventus, Manchester City iyo Liverpool.

Related posts

Ranver Singh Yuu La Sheekeysta Habeenkii Xili Dambe (2:00 am) Deepika-na Ma Ahan!!

Ali Aadan

Ma maleysan kartid ganaaxii ay la kulantay gabadhii qasabka kusoo gashay garoonka Finalkii UCL iyo lacagtii waalida aheyd ay ka faa’iida.

Daawo: Hambalyo Chelsea Ku Guuleestayaasha Europa League 2019 Iyo Xog Walbo Oo U Baahan Tahay

Zakarie

From 1994 To 2019: Filimada Bollywoodka Sameyeen Ee All Time Blockbusters Noqdeen Iyo Sidee Ukala Weynyihiin !!

Ali Aadan

Rasmi: Filimka De De Pyaar De iyo todobaadkiisa kowaad ganacsiga wanaagsan uu sameeyay

Zakarie

Daawo: Chelsea jawaab wanaagsan kama helin maxkama dhex dhexaadka, qorshaha Juve iyo Riyada United

Zakarie