Deen-Deen Ku Gud: Nawazuddin Siddiqui Iyo Xiligii Dhaqaalo La’aanta Uu La Kulmay Asaxaabtiisana Lacag Ka Amaahan Jiray!!

Nawazuddin Siddiqui waa mid kamid ah jilayaasha ugu xirfada wanaagsan dalka India qaab jiliina ahana aad looga dambeeyo waxuu fanka soo galay dhamaadkii 90-maadkii isagoo kasoo muuqday markii ugu horeysay filmkii Aamir Khan ee Sarfarosh.

Nawazuddin fanka heerar kala duwan ayuu kasoo maray inkastoo bilawga noloshiisa marxalad adag ay soo martay iyo dhaqaalo xumo balse maanta waa jilaa heer caalami ah gaaray agaasimayaasha ugu waaweyn Hindiyana baadi goobaan si ay aflamatooda ugu dhiibtaan.

Hadab xidigaan ayaa ka hadlay marxaladii adkeed ee hadda kahor mar qabsatay iyo lacag la’aantii soo martay waxuu sheegay inuu asaxabtiisa lacag ka amaahan jiray ama ka deensan jiray 2 maalmood ayuu iiqabta dhihi jiray kadibna qof kale ayuu lacagkasoo deensanaayey hadana isagoo gudaayo deentii qofkii kowaad.

Waxuu yiri isago sharxaayo arinkaan,”dhaqaalo ahaan waxaa isoo martay xili aan ilaawi karin oo lacag la’aan tii ugu darneed iqabsatay xili aan shaqo la’aan ahaa waxaan sameeyn jiray saaxiibadeyda qaar kamid ah ayaa lacag ka deensan jiray.”

“Waxaan ka codsan jiray inee 2 maalmood fursad ah isiiyaan si aan deentooda ugu soo celiyo mid kamid ah markii uu u ideemiyo waqtigii balantana dhamaato meel aan ka keenana garan waayo deentii waxaan sameeyn jiray saaxiibkey kale ayaa hadana lacag ideemi dhihi jiray markuu i deemiyo kii kowaad ayaa deentiisa ku gudi jiray.”

“Marxaladan adag ayaa kusoo noolaa xili koobaan balse maanta waan ka baxay xiligii xumaa waa layaab mar-marka qaar waan soo xasuustaa xiligii aan ku jiray deen-deen ku gud anigo sidaa isku dabiri jiray.”

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…