Deepika, Kangana, Shraddha, Jacqueline Iyo Atirishooyinka Sanadkan 2019 La Imaan Doonan Filmo Ay Hogaamiyaal Ka Yihiin (+Sawiro)

Sidaan wada ognahay sanadkii hore 2018 aflaam badan ayaa guulesteen kuwa kalena wey guul dareesteen, xidigo cusub ayaa Bollywoodka imaadeen dhacdooyin layaab leh ayaa dhaceen 2018.

Magacyada filmada, atirishooyinka hogaaminayaan, fariinta filmka waxa ay quseyso, xiliga la sheegay in la daawan doono dhamaan warbixinooyinkaas halkaan hoose kaga bogo..

Manikarnika-The Queen of Jhansi: waa film ka hadlaayo nolosha boqoradii qasriga Jhansi ka talin jirtay ee Ingiriiska la dagaashay waxa jileyso doorkas Kangana Ranaut 25 bishaan Janaayo ayaa la daawan doona.

Manikarnika (1)

Chhaapk: Deepika Padukone ayaa hogaamineyso filmkaan nolosha Laxmi Aggarwal ayaa looga hadli doona waa gabadha sawirkeeda idiin muuqdo taaso wajig aashito looga shubay bilawgii qarnigaan.

Deepika---Chapaak (1)

Nolosha Gunjan Saxena: Jahnvi Kapoor ayaa jileyso nolosha gabadhaan duuliyaha ahaan jirtay waa film aan magac loo bixinin wali balse sanadkaan ayaa la daawan doona gabadhan duuliyaha ahaan jirtay dagaal India ka dhacay 1999 ayee ku caawina ciidamada India dhib badan aye mare oo dab aye ku gubane dhaawacyona wey soo gaarayaan.

Jhanvi-Kapoor---Gunjan-Saxena

Nolosha Saina Nehwal: Shraddha Kapoor ayaa jili doonto waa gabar Sports-ka wax badan ka taqaano ciyaarta Badminton loo yaqaan aye 23 jeer ku guulesatay waliba koobab caalami ah Shraddha Kapoor ayaan arki doonna oo sanadkaan wacdaro dhigeyso.

Shraddha---Saina

Shakeela: Shakeela waa atirisho koonfur India kasoo jeeda taaso sameen jirtay 90-maadkii aflaamta dareenka kudheehan ee qaawananta muujinayaan kuwaaso loo yaqaan (Adult Movies) Richa Chadha ayaa doorkan adag sameen doonto.

Richa-Chadha---Shakeela

Deborah Herold: Jacqueline Fernandez ayaa doorkan sameen doonto Deborah waa gabadhii ugu horeysay ee India kasoo jeedo taaso tartanka Champion-ka qeybta baaskiil wadista ku guulesatay Jacqueline ayaana doorkan adag sameen doonto.

Jacqueline---Deborah

Dhamaad..