Deepika Maxay Ku Jawaabtay Markii La Weydiyay Midka Ay Jeceshahay La Shaqeyntiisa Ranbir Kapoor Ama Ranveer Singh?

 

 

Atirishada Deepika Padukone ayaa ku guda jirta waqti wacan iyo damaashad maadama riyooyinkeda ugu waaweyn nolosheeda qaarkood u rumoweyn sida inee guursatay oo ay reer yeelatay.

Sidaan horey idiin kugu sheegnayba Deepika waxay ka qeyb qaadatay showga ee daadihiya ka tahay atirishada Neha Dhupia kaaso lagu magacaabo BFFs With Vogue.

Hadaba xidigtaan ayaa intii lagu guda jiray duubiska qeybta ay martida kaga ahed waxaa lagu weydiyay arimo badan oo nolosheda gaarka ah quseyaan waxaa kamid ahaa guurka  iyada iyo Ranveer, mushaarka ay Padmaavat ku qaadatay, atooraha ay ugu jeceshahay Bollywoodka inee la shaqeyso .

Dadka badankooda waxay umaleyaan in Ranveer yahay atooraha Deepika jeceshahay inee la shaqeyso balse arinka sidaa ma aha ee waa atoore kale atooraha ay xidigtaan jeceshahay.

Deepika walashed Anisha Padukone oo goobta joogtay ayaa durba jawaabta la soo booday waxayna tiri,” Deepika waxay ka heshaa oo ay taagero u tahay had iyo jeerna jeceshahay la shaqeynta Ranbir Kapoor.”

Deepika ayaa sii raacisay “qofka labaadna waa Irrfan khan aad ayaana u jecelahay la shaqeyntiisa wayao waa atoore qaab jiliin cajiib ah leh.”