Deepika oo ka dul qaaday Jacqueline Fernandez waxayna Salman la sameyn doontaa Kick 2

Atirishada Jacqueline Fernandez ayaa kalsooni weyn ku qabtay inay filimka weyn Kick 2 la sameeneyso Mega Star Salman Khan madaama ay horey ula jishay filimkaan qaybtiisa kowaad.

Laakiin hada waxaa la sheegay Sajid Nadiadwala oo Director iyo soo saare ka ah Kick 2 inuu la saxiixday Deepika Padukone si ay mashruucaan hogaamiye kaga noqoto.

Waxay noqon doontaa markii ugu horeesay oo ay Salman iyo Deepika filim wada sameyn doonaan sidoo kalena hadal heyntiisa cirka ayay sii gashay.

Salman Khan ayaa Kick 2 labo door ku jili doono mid xumaan ah iyo mid wanaagsan xambaarsan qorshahana wuxuu yahay in la daawado Christmas 2020.

Sidoo kalena Kick 2 duubis si rasmi ah waxaa loogu bilaabi doonaa sanadka dambe waana filim Salman iyo Deepika wada mideyn doono halka Jacqueline Fernandez calfan weesay filimkaan.

1 Comment

Comments are closed.