Deepika Oo Ka Hadashay Arooska Priyanka Chopra”Ugu Dambeyn PeeCee Wey Saldhigatay Sidaas Ayaan Dhihi Karnaa”

Sidaan wada ognahay Priyanka Chopra iyo Nick Jonas waxay is guursadeen 1 iyo 2 December oo ay Jodhpur kudhigteen laba aroos mid qaab kirishtaan loo dhigay iyo mid qaab hindu loo dhigay kadiban xaflado waaweyn ayee dhigteen lamaanahan.

Waliba xafladii udambeysay mid heer sare ayee ahed oo ay kasoo qeyb galeen xidigo badan oo katirsan Bollywoodka habeenkasna damaashaad weyn ayaa dhacay sidaan idiin la wadaagnayba.

Deepika ayaa  ka hadashay xiriirkedi hore iyo sida uu u burburay qalbi jabkii kudhacay, sida ay iyada iyo Ranver isku barteen iyo sheekoyin kale oo aan kis kis usoo daabici doono balse markaan waxaan idiin la wadaagena hadalkii ay Ranver u sheegtay sanadkii 2012.

Mudo 6 sano ayee lamaanahan xiriir wada lahaayen sida la sheego sidaa aawged Deepika ayaa wareysiyo xiiso leh bixisay arooskeda kadib Filmfare ayaa wareysi dheer ka qaadeen waxayna goobta ku sheegtay arimo badan oo nolosheeda gaarka ah ku saabsan mar ay ka hadashay guurka Priyanka iyo Nick oo wax laga weydiyay waxay tiri.

“Run ahaanti markaan Priyanka wey saldhigatay oo wey guursatay mudo badan ayaa guurkeda la isla dhexmaraaayey waan ku faraxsanahay nolosha cusub ee ay dhexgashay.”

“Dadka qaar ayaa is weydinayaan Priyanka wiil ay mudo gaaban garaneyso ayee guursatay waxaan dadkaas u sheegaya is fahamka waqti gaar ah kuma xirno dadka nolosha wada qeybsanayaan isfahamkoda rasmiga ah guurka kadib ayuu imaadaa.”