Deepika Oo Priyanka Garaacday Iyadoo Noqotay Gabadha Qaarada Asia Ugu Shidan!!

Deepika Padukone ayaa si rasmi ah u noqotay gabadha ugu shidan uguna soo jiidashada badan qaarada Asia sanadkaan 2018 codeyntii dalka Ingiriiska ka dhacday sanadkaan aawged waana tartan sanadle ah.

Padukone waa atirisho maqaam sare ka gaartay fanka hindiya waqtigaana ah atirisho aan awoodeda loo dhowaan Karin dhanwalba waxana inta badan lala bar bardhiga atirishada Priyanka oo ay dhinacyo badan ku xifaaltamaan.

Deepika waxay Bollywoodka soo gashay sanadkii 2007 filmkii Blockbuster-ka noqday Om Shanti Om ayeena kusoo caan baxday kaaso Shah Rukh Khan hogaamiye ka ahaa.

Hadaba waxaa maanta baraha bulshada lagu soo daadiyay sawirada Deepika xili laga duubayey sawiro Fashion ah oo Cover looga dhigo shabakada GQ oo fashion-ka iyo maqaalo kale caan ku ah.

Hadaba Deepika ayaa hogaanka u qabtay 50 dumar ee qaarada Asia ugu soo jiidashada badan sanadkaan 2018 kaalinta kowaad ayeena liiskan ka gashay halka Priyanka Chopra kaalinta labaad gashay ama noqotay mida labaad ugu shidan Asia 2018.

Sanadkii hore atirishada Tv-yada ka shaqeysa Nia Sharma ee doorka Aarohi musalsalka Ishq Mein Marjawan waqtigaan ku jileyso ayaa kaalinta kowaad hogaanka ugu hoyseya 50 dumar ugu shidan Asia balse sanadkaan Deepika iyo Priyanka ayaa safka hore la wareegen xili Deepika booska kowaad ku garaacday saaxibted Priyanka.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*