Deepika Padukone Sanadkii 2018 Waa Sanad U Gaar Ah Laga Soo Bilaawo Padmaavat Ilaa Guurkii Ranver Singh Iyo Guushii Ay Gaartay!!

Atirishada caanka Deepika Padukone sanadkii aan soo dhaafnay 2018 waa sanad u qaas ah macquulna ma ahan in ay ilaawdo sanadkaan maadama nolosheda qeyb weyn ka yahay guulo taariikhi ah ayee gaartay xidigtaan.

Deepika shabakado badan ayaa u aqoonsadeen sanadii hore inee tahay atirishada ugu awooda badan Bollywoodka iyo mida ugu saameeynta badan xitaa dhanka daqliga ayee hogaanka u heysa dhanka atirishooyinka sanadii 2018.

Padukone Fashion heer sare ah oo ay ku guulesatay abaal marinana ku hanatay ayee sameeysay sido kale dhanka Box-officeka awoodeda Star Power-ka waxba ugu darsamay maadama Padmaavat si wanaagsan u gadmay.

Guusheda Box-office-ka Padmaavat meel wanaagsan ayuu ka gaarsiyay xidigtaan Padukone saxaafada iyo baraha bulshada ayee qabsatay dhowrjeerna shacbiyada baraha bulshada dhanka Bollywoodka wey hogaamisay inkastoo loolan adag ay kala kulantay atirishada Priyanka Chopra.

Sida xaqiiqda ah hader Priyanka ayaa ah atirishada ugu shacbiyada balaaran baraha bulshada ee Bollywoodka katirsan intaas oo dhan markii laga soo tago Deepika arooskii ay aroostay Ranver Singh ayaa hadal heyntii ugu weyned 2018 dhaliyay.

Waan wada ogeyn in Deepika iyo Ranver guurkoda shabakadaha arimaha Bollywoodka qoraan qabsadeen maqaalo tiro badana waan ka qornay sidaa aawged Deepika 2018 nolosheeda gaarka iyo shaqadeeda guul weyn ayee ka gaartay.