Home Nolosha Jilayaasha Deepika, Priyanka, Alia Iyo Atiriishooyonkale Oo Si Wadajir Ah 3-da Khans Wali...

Deepika, Priyanka, Alia Iyo Atiriishooyonkale Oo Si Wadajir Ah 3-da Khans Wali Ula Shaqeynin!!

 

Waxaa Bollywoodka kujiraa atiriishooyin badan oo aan wali mid kamid ah Khans-ka shaashada la wadaagin ama film la sameeynin kuwaaso nasiibka u diiday inee xidigahan la shaqeyaan.

Maqaalkan waxaan kaga hadli doonaa ama kusoo bandhigi doonna atiriishooyinka waaweyn ee la isku dhaho A-listers-ka kuwooda ilaa hada aan shaashada la wadaagin –da Khans si wada jir ah iyo atiriishooyin kaleba hoos kaga bogo.

Si wadajir ah marka lagu leeyahay waxaa laga wadaa in 3-da Khans-ba ay la shaqeynin tusaale Katrina Kaif 3-da Khans wey la shaqeysay mid walb film ayee la sameeysay SRK waxay la keentay Jab Tak Hai Jaan, Salman-na Tiger halka Aamir Dhoom 3 ay la sameeysay.

Sidaas oo kale ayaa ladhahaa atiriisho 3-da Khans-ba film la sameeysay waana sababta aan maqaalkan ugu soo bandhigeeno atiriishooyinka usuurto galin wali in 3-da Khans shaashada la wadaagin si wadajir ah.

Deepika Padukone: kaliya SRK ayee film la sameeysay walina Salman Khan iyo Aamir Khan lama shaqeynin.

Priyanka Chopra: xidigtaan Aamir Khan waligeed lama shaqeynin balse 2-da Khan kale film wey la sameeysay.

Alia Bhatt: ilaa hada waxay shaasahda la wadaagtay SRK halka Salman Khan hader film la soo wado balse Aamir Khan waligeed film kalama soo muuqan.

Aishwarya Rai: SRK iyo Salman Khan wey la shaqeysay oo shaashada filmo wey kala soo muuqatay balse waligeed Aamir Khan film lama sameynin inkastoo Raja Hindustani ay iska diiday hada kahor.

Atiriishooyinka kale yaa kamid ah:

Shilpa Shetty: Aamir Khan waligeed lama shaqeynin

Vidya Balan: 3-doodaba film dhameestiran lama sameynin balse waxay shaashada muuqaal marti ahaan kala soo muuqatay SRK iyo Salman Khan.

Jacqueline Fernandes: Salman Khan kaliya ayee film la sameeysay xidigtan.

Shraddha Kapoor: 3 Khans waligeed film lama sameeynin.

Parineeti Chopra: 3-da Khans waligeed film lama sameeynin

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufatoXayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Caunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...