Deepika, Shraddha, Alia, Anushka Iyo Atirishooyinka 2018 Box-office-ka Wacdaro Ka Dhigeen!!

Sanadkii 2018 ee soo jiray mudada dheer markaan waa gabo gabo kaliya ilaa 4 maalmod ayaa ka dhiman waxaana la guda gali doonaa sanad cusub (2019) jadwal cusub, shaqo cusub iyo waliba la kulanka dad cusub.

Marka aan ka hadalno Bollywoodka sanadkaan sanad u wanaagsan ayuu ahaa sida guud balse dad gaar ah sanad wanaagsan uma ahen dad gaar ahna sanad wanaagsan ayuu u ahaa.

Bollywoodka macaash weyn aye ka dhargeen sanadkaan sido kalena qasaaro iyo jab xoogana waxuu kasoo gaaray dhanka Khans-ka oo mid walba hal film la yimid lacago badana lumiyay.

Waxaa kaloo sanadkaan la argay xidigo caan ah oo la fadeexestay fara xumeena lagu eedeyay waxaa kaloo la arkay shaqsiyaad caan ah oo geeriyoodeen, shaqsiyaad caan ah oo guursadeen iyo waliba shaqsiyaad caan ah oo caruur loo dhalay.

Sanadkaan dhamaaday atirishooyin badan ayaa macaash waali ah ka keenen Box-office-ka kuwaso Bollywoodka in badan ku faani doona halka kuwa kalena ku fashilmeen waxaana liiskan ugu horeyso atirishada Deepika Padukone taaso sanadkaan la timid filmkii Padmaavat ee Blockbuster-ka weyn noqday.

Deepika filmkeeda Padmaavat waa Hit-ka labaad ugu weyna waxaana liiskan soo galayaan atirishooyin kale sida Shraddha Kapoor oo Stree Super Hit u noqday iyo Alia Bhatt oo Raazi la timid Super Hit-na u noqday sido kale Anushka Sharma mashruuceda Sui Dhaaga aye ku faani doonta halka Nushrat Bharucha filmkeeda Sonu Ke Titu Ki Sweety Blockbuster u noqday sido kalena darajada 100 Crore u gaaray.