Deg Deg: Aalisha Panwar (Tara) Oo Isaga Baxday Musalsalka Ishq Mein Marjawan Gabi Ahaanba Kadib Doorkeeda Filmka Oo Yaraaday iyo Deep Oo Ay Guursan Weyday Iyo Sheeko Kale Oo Qarsoon!!

Aalisha Panwar waa mid kamid ah atiriishooyinka loogu jecel yahay waqtigaan musalsalada Tv-yada musalsalkeeda xiisaha leh ee Tv-yada heesto Ishq Mein Marjawan ayaa gabo-gabo kudhow markaan waxayna ku jileysay doorka Tara oo ah gabar xanaaq badn iyo mid dadka disho jaceyl dartiis.

Tara musalsalkaan iyada ayaa hogaamiye ka ahed oo 2 waji ayee ku jileysay balse Nia Sharma (Aarohi) ayaa kusoo biirtay oo shaashada kaga saameyn badnaatay balse maanta ayee si rasmi ah isaga baxday Tara musalsalkaan gabi ahaanba 2 sababood ayaana lagu sheegay inee isaga baxdo musalsalka.

Mida kowaad doorkeda filmka ayee aad u dhaliishay xidigtaan: Tara doorkeda markii hore wuu weynaa balse gabdhahan kale markee musalsalka soo galeen aad ayuu u yaraaday doorkeda xili hore ayeena rabtay inee ka baxdo balse kooxda filmka ayaa ka codsadeen inee intaanba soo gaarsiiso musalsalka.

Ishq Main Marjawan actress Aalisha Panwar gets an emotional farewell from Arjun Bijlani and co. on her last day - watch videos

Mida Labaad: xidigtan waxaa la sheegay in loo bandhigay sameeynta musalsalka Kasauti sindagi Kay 2 inee hogaamiso maadama Hina Khan oo horey u hogaamineysay isaga baxeyso musalsalkaan sidaa aawged booskii Hina ayaa lagu bedelayaa waxayna dooratay musalsalkaan cusub maadama Ishq Mein Marjawan waxba ka ahen.

Rabitaanka Aalisha Panwar (Tara) ee musalsalka Ishq Mein Marjawan: xidigtaan kama bixi laheen musalsalka hadii rabitaankeeda ay heli laheed waxay rabtay doorka Aarohi hader musalsalka ka ciyaareyso iyo inee iyada guursado Deep jaceylkiisana hanato waana doorka labaad musalsalka ugu weyn maadama Deep doorkisa musalsalka ugu weyn yahay Aarohi-na kusoo xigto.

Arjun Bijlani (Deep) Iyo Sonarika Bhadoria (Netra)Oo Macsalaameyeen Aalisha Panwara (Tara):

Instagram-ka muuqaal ay isaga duubeen ayee baraha bulshada soo dhigeen xidigahan xili Tara xaflad macsalaamees ah loo sameeyay Deep ayaa saaxiibtiisa si qiiro leh ku macsalaameyay waxuu yiri,”saaxiibteyda waan ka xumahay inaan qabyo howsha kaga tagno, waxaan kuu rajeynaa nasiib wacan mashaariicdaada mustaqbalka in badana waan kuu xiiso doonna hadaa nahay kooxda Ishq Mein Marjawan.”

Hoos ka daawo muuqaal uu Deep foodeynaayo Tara waana maalinka ugu dambeyso Tara musalsalka:

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

1 Comment

  1. Asxbta ASC waxa iga sual ah inad so bartaan actor ka musalsalka dil se dil tak ee parat ku matalayey mxa lo badalay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*