Deg Deg: Abaal Marinada Filmfare Awards Ilaa Hadda La Bixiyay Filmada Padmaavat Iyo Raazi Abaal Marino Ayee Ku Guulesteen!!

 

Waxaa si live ah usocoto xaflada in badan la wada sugaayey ee Filmfare Awards taaso ah abaal marinta ugu weyn ee jilaa hindi ah la gudoonsiiyo dhanka shirkadaha xiddig walba ayaa ku riyoodo biladaan inkastoo kuwa qaar ah aktooda qiima ka laheyn.

Hadaba xaflada oo si live ah usocoto waxaa si dhaqsi ah u bilaawatay bixinta abaal marinada dhowr abaal marin ayaana la bixiyay sido kalena masraxa bandhig weyn ayee xidigaha Bollywoodka ka jeedinayaan.

Xaflada waxaa daadihinaayo Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan abaal marinta heesaaga ugu wanaagsan sanadka waxaa ku guulestay Arijit Singh oo ku qaatay heeskiisa Ae Watan ee Filmka Raazi kujirta.

Sido kale Shreya Ghoshal ayaa ku guulesatay abaal marinta fanaanada ugu wanaagsan dhanka dumarka waxayna abaal marintaan ku qaadatay heeskeeda Ghoomar ee kujirta filmka Padmaavat.

Xidigo badan ayaa goobta soo buux dhaafinayaan waxaan idiin soo gudbin doonaa sawiradooda iyo abaal marinada kale ee lagu guuleesto kala soco Filmside si Update ah xafladan caawa..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…