Deg Deg: Alia Bhatt Filmkeeda Raazi Oo Filmka Sanadka Noqday Iyo Meghna Gulzar Oo Director-ka Ugu Wanaagsan Loo Doortay!!

Atiriishada caanka ah Alia Bhatt caawa farxad uma dhina maadama mashruuceda Raazi noqda filmka sanadka ugu wanaagsan Bollywoodka waxayna shabakada Filmfare Awards gudoonsiisay abaal marinta filmka ugu wanaagsan (Best Film Award).

Dhanka kale gabadha fllmada sameeyso Meghna Gulzar ayaa noqotay Director-da ugu wanaagsan Bollywoodka (Best Director of the year) waxaana lagu siiyay abaal marintaan mashruuca Alia Bhatt ay u sameeyay ee Raazi.

Raazi waxuu ka hadlaa fariin jaajuusnimo ah maadama gabar hindu ah guursaneyso nin reer Pakistan ah si ay dalkeeda jaajuus ugu noqoto ayeena ninkaan u guursanee waa fariin heer sarre ah oo laga wada helay.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

 

1 Comment

Comments are closed.