Deg Deg: Heesaaga Caanka Ah Mika Singh Oo Xabsiga Dubai Kadib Markuu Gabar Anshax Xumo Kula Kacay!!

Mika Singh waa nin caan ah oo magaciisa dunida ku baahay waana heesa India kasoo jeeda Bollywoodkana ka shaqeya waxuuna ku luuqeyay heeso badan oo caan ah.

Dabeecad ahaan Mika Singh waxaa lagu sheega inuu yahay mid khalafsan oo had iyo jeer muran dhexda kaga jira tiro maleh inta jeer xidigaan la xiray falal dambiyeed kala duwana lagu eedeyay.

Sanadkii 2015 isagoo Delhi kusugan ayuu dhaqatar u gacan qaaday midaas oo uu ku muteestay in la xiro sido kale 2006 atirishada Rakhi Sawant ayaa dacweysay kadib markii uu si qasab ah dad badan hortooda uu ugu shumiyay xili xafladeeda dhalasho la wada joogay.

XIdigaan ayaa ah mid xanaaq badan sido kalena qaladkiisa badan yahay wax xakameyn ahna leheen marka uu wax sameeynayo hadaba gabar u dhalatay dalka Brazil oo Dubai kusugneed ayaa Police-ka kudacweysay xidigaan.

Maalintii shalay ahed ayee dacweysay maadama ay sheegtay inuu sawiro aan munaasib ahen anshax xumana ah u diri jiray waana gabar 17 jir ah oo uu anashax xumo kula kacay.

Bandhig Bollywood ah ayuu Dubai u jooga balse saaka subaxii hore ayee Police-ka Dubai xireen saxaafadana u shaaciyen arinkaan balse Bollywoodka arinkaan lama yaabi doonan sababto ah hab dhaqanka ninkaan ayee garanayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*