Deg Deg: Jackie Shroff Oo Shaaca Ka Qaaday Xiriirka Tiger Shroff Iyo Disha Patani Waxuu Yiri”Inee Is Guursadaan Ayaan Filaa”

Tiger Shroff iyo Disha Patani waa kuwa kamid ah lamaanayaasha Bollywoodka ugu caansan waqtigaan kuwaso xiriirkooda wali aysan shaaca ka qaadin marwalba oo la weydiyo waxayna ku gaabsadaan kaliya inee saaxiibo yihiin.

Xan badan ayaa la isla dhexmaraayey in mudo ah iyo in ay is guursan doonan goordhow hadaba rugcadaa Jackie Shroff oo ah aabaha dhalay Tiger Shroff ayaa saxaafada ugu dambeyn wax ka weydiisay xiriirkan wuuna ka hadlay isagoo shaaca ka qaaday.

Dad badan ayaa sugayeen xiriirkan xanta ku ekaa in halmar loo shaaciyo waakana Jackie Shroff oo ka hadlayao xiririkan waxuu yiri,”Tiger waxuu helay gabadhii ugu horeysay ee saaxiib la noqoto waana Disha oo 25 jir ah kadib gabar kale ma uusan fiirin oo iyada ayuu aad ugu dhowaaday.”

“Wax walbo ayee maanta wadaagan, kaftan, murugo, farxad xitaa shaqo wadaag ayee yihiin waa kuwa in badan isku fiican anigana waan isugu duceyay balse go’aanka noloshooda iyaga ayaa leh hadii ay rabaan wey is guursan doonaan hadii kalena waligood saaxiibo ayee sidan u ahaan doonan inkastoo aan jeclaan lahaa inee is guursadaan sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Tiger fariinta dadban ee uu aabihiis ka helay maka jawaabi doonaa waliba noloshiisa gaarka ah xor ayaa looga dhigay sida hadalka Jackie ka muuqdo oo waxuu tilmaamay in iyaga sheekadaas u taalo oo uusan marnaba dhex gali doonin ilaa ay go’aan rasmi ah kasoo saaraan..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeydsiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*