Home Nolosha Jilayaasha Deg Deg: Karan Johar filimadiisa Barhamstra iyo Good News xiliyadii la daawan...

Deg Deg: Karan Johar filimadiisa Barhamstra iyo Good News xiliyadii la daawan lahaa waa laga badalay!

Filim sameeye Karan Johar iyo shirkadiisa Dharma Productions ayaa soo saareen qoraalo rasmi ah oo ay shaaca kaga qaadeen in filimadooda waa weyn Brahmastra iyo Good News xiliyadii marka hore loo asteeyay la daawan lahaa waxaana dhacay isbadal weyn oo lama filaan ah.

Filimka Brahmastra oo la daawan lahaa 20 Dec 2019 ayaa haatan dib loo dhigay waxaana la daawan doonaa xagaaga 2020 sida uu shaaca ka qaaday Director Ayan Mukerji waxaana filimkan hogaamiyaal ka ah Amitabh Bachchan, Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt.

Karan Johar ayaa qaatay talaabo laba filaan ah sidoo kale markii uu shaaca ka qaaday in filimkiisa kale Good News oo la daawan lahaa 6 Sep 2019 haatan dib loo dhigay oo la daawan doono todobaadka ugu dambeeyo sanadkan ama 27 Dec 2019 waxaana filimkan hogaamiyaal ka ah Akshay Kumar, Kareena Kapoor Khan, Diljit Dosanjh iyo Kiara Advani.

iyadoo hore aktarkan Salman Khan uu shaaca ka qaaday in filimkiisa Dabangg 3 in la daawanayo 20 Dec 2019 waana sababta keentay in maanta Karan Johar isagana hadlo shaacana ka qaaday gabi ahaanba isku dhac inuusan jirin filimkiisa weyna Brahmastra dib loo dhigay sidoo kalena Salman loo dhaafay todobaadka Christmas ama feestada ciida Masiixiga halka Akshay Kumar filimkiisa todobaadka ugu dambeeyo sanadkan la daawan doono.

Waxaa la sugi doonaa in isku dhaca filimada Inshallah oo Salman hogaamiye ka yahay in Sooryavanshi oo Akshay Kumar hogaamiye ka yahay meesha laga saari doono madaama labadan filim horey shaaca looga qaaday in Eid 2020 la daawan doono sidoo kalena Akshay filimkiisa waxaa soo saare ka ah Karan Johar lamana ogo waxa xiga ee dhici doono.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...