Deg deg: Salman Khan iyo Alia Bhatt oo wada sameenayaan Director Sanjay Bhansali filimkiisa Inshallah

Aqbaarta ugu weyn Bollywood-ka ee barqadan soo baxday ayaa ah in Mega Star Salman Khan iyo xidigta haatan fanka Hindiya ugu awooda badan Alia Bhatt wada sameenayaan filimka weyn Inshallah ee uu Director iyo soo saare ka yahay filim sameeyaha laga daba dhacay Sanjay Leela Bhansali.

Waxaan horey idin kula wadaagnay in Salman Khan iyo mudane Bhansali 20-sano kadib toos u wada shaqeenayaan marka aan xisaabta lagu darin filimka Sawaariya (2007) ee Salman muuqaal marti ah ku lahaa laguna soo caan bixinaayay Ranbir iyo Sonam Kapoor sidoo kalena Bhansali Director ka ahaa.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Haatan hadal heynta mashruuca Sallu iyo Bhansali ku midoobeen cirka ayay sii gashay kadib markii si rasmi ah Alia Bhatt loogu soo daray waxaana laga dhigay atirisho kowaad filimkan magaciisa yahay Inshallah waana fariin jaceyl oo qiiro badan xiligaan casriga ahna la jaan qaadi karto.

Sida qorshayaha yahay jadwalka duubista filimka Inshallah waxay bilaaban doonaa bisha September ee sanadkan sidoo kalena waxaa la daawan doonaa sanadka dambe 2020 laakiin weli si rasmi ah looma sheegin xiliga saxda ah ee la daawan doono.

Wax walbo oo kasoo kordho filimka weyn Inshallah ee Salman iyo Alia ku midoobeen sidoo kalena Sanjay Leela Bhansali Director ka yahay kala soco shabakada Filimside…

 

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.