Deg Deg: Shraddha Aabahed Shakti Kapoor Oo Beeniyay Inee Shraddha Goordhow Guursan Doonto!!

Waxaan horey idiin kula wadaagnay sheeko xan ah oo aan shaaca laga qaadin taaso sheegeysa in atiriishada caanka ah Shraddha Kapoor goordhow guursan doonto warar hoosena sheegen sheekadan.

Shraddha ayaa in badan lagu xamanaayey wiil ay saaxiib la tahay kaaso lagu magacaabo Rohan Shrestha oo ah sawir qaade caan ah dalka India-na u dhashtay waxaana la sheegay in ay goordhow is guursan doonan.

Saxaafada ayaa arinkaan si weyn u buun buunisay balse waxaa ka aamusi waayey Shraddha Aabahed Shakti Kapoor oo rugcadaa Bollywoodka magac weyn kuleh waxuuna saxaafada iyo dadka kaleba u sheegay in sheekadan wax kama jiraan tahay been la abuurtayna tahay.

Waxuu yiri isagoo hadlaayo,”wararka suuqa kujira waa wax kama jiraan ee sheegayaa in gabadheyda Shraddha goordhow guursan doonto Shraddha ilaa 5-ta sano soo socota wax qorsho guur ah uma diyaarsano.”

“Gabadheyda waxba igama qariso waalidiinteeda go’aankooda ilaa ay ka hesho ma guursaneyso amar la’aantoodana kama tilaabsaneyso sidaa aawged 2 sano soo socota waxay in badan ku mashquuli doonta shaqadeeda Filmada aan aragno wixii ka dambeya xiligaas.”

Shakti sidaa ayuu yiri balse hal xaqiiq ayaa jirta oo la wada ogyahay Shraddha Kapoor hooyaded iyo habaryarted Padmani hada kahor waxay ka carareen gurigooda iyagoo niman la baxsadeen misane guursadeen waliba Shraddha hooyaded waxay la baxsatay Shakti Kapoor.

Shraddha hadii guurka lagu adkeeyo miyee la baxsan doontaa saaxiibkeed Rohan oo hadii Shakti ku adkeeyo kana horyimaado guurka gabadhiisa miyee sameeyn doontaa sida ay hooyadeed sameeysay waa suaal dad badan maskaxdooda ka dhex guuxaysa.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…